SABABAHA SOOMAALIDU U JECEL YIHIIN MADAXWEYNAHA TURKIGA ERDOGAN

madaxweyne erdogan

Waxaa hubaal ah in Soomaali badan jecelyihiin dalka Turkiga gaar ahaan madaxweynaha hadda ee Racep Tayyip Erdogan, waxaana laga yaabaa in aysan kuu iftiimsanayn sababta rasmiga ahi.

Turkida iyo Soomaalida waxaa ka dhexeeya xiriir taariikh fog leh, waana xiriirkii boqortooyadii Cusmaaniyiintu la lahayd Baariga Afrika, halkaas oo Soomaalidii ku dhaqnayd Geeska Afrika ay wakiil uga ahaayeen Cusmaaniyiinta qaybo badan oo ka tirsan Bariga Afrika.

Gurmadkii Turkigu u sameeyay Soomaaliya 2011 kii markii ay abaartu ku dhufatay ayaa loo arkayey mid taariikhi ah Soomaaliyana kusoo duway indhaha caalamka maadaam uu booqday madaxweynihii turkiga Racep Tyyib Erdogan, waxaana loo arkayey mid uu Erdogan ku muujinayo xiriirka fog ee Soomaaliya iyo Turkiga ka dhexeeyay maadaama uu ugasoo hor maray Jaamamacadda Carabta oo soomaaliya xubin ka tahay. Waxaa Erdogan loo arkaa nin doonaya in uu soo celiyo sameyntii ay Boqortooyadii Cusmaaniyiintu ku lahayd caalamka.

Wuxuu turkigu aad u daneynayaa siiba Erdogan iyo xisbigiisu in ay saameyn balaaranb ku yeeshaan Afrika.

Si taasi u hir gashana dhanka Soomaaliya wuxuu sameeyay talaabooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin in uu Soomaaliya ka furtay safaaraddiisa ugu weyn Afrika iyo sidoo kale saldhigga milatari ee ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa (TURKSOM).

Waxaase intaas dheer sida uu sheegay Cabdibaasid Moxamed Cabdurraxmaan oo ah aqoonyaha ahna siyaasi falanqeeya siyaasadda Bariga Afrika iyo Carabta in Turkigu oo dhaqaala joogta ah siiyo Soomaaliya isaga oo misaaniyadda dawladda ku kaba “qiyaastii shan milyan oo doolar bishii,”.

Turkigu wuxuu Soomaaliya u tababaraa ciidamo, arday ayaa jaamacadiihisa bilaash ku dhigata inkastoo ay jiraan kuwa kale oo qiime jaban wax kaga barta dalkaas, isbitaallo iyo dugsiyo waxbarashgo ayuu ka hir gelyay Soomaaliya si guudna waxaa loo arkaa Turkigu inuu yahay “isku xiraha caalamka iyo soomaaliya” isaga oo diyaaraddiisu noqotay shirkaddii diyaaradeed ee caalami ah taas oo soomaaliya dib uga bilowday duulimaadyo.

Saas darteed waxaa loo arkaa in xiriirkaas oo dhan uu Erdogan sabab u yahay haddii uu meesha ka baxana ay Soomaalidu waayi doonto taageerada ay Turkiga ka hesho.

Balse haddii uu meesha ka baxo Erdogan “Xiriirkaas oo dhan in uu meesha ka baxayo ayaa la rumeysan yahay, waxyaabaha lagu eedeeyo ee lagu dhaliilo ee mucaaridku ku dhaliili jireenba taasay ahayd, oo miisaaniyado iyo lacaga uu ku bixiyey dalal kale,” ayuu yiri Cabdibaasid. “Xiriirkaas oo dhan waxaa la filaya in la qaboojin doono amaba uu istaago doono.” Ayuu sii raaciyey Cabdibaasid Maxamed Cabdurraxmaan oo BBC-da u warramayey isaga oo ka hadlayey suurta galnimada ah in Erdogan looga guuleeysto doorashada dalkaasi ka socota.

Arrimahan iyo kuwa kale awgood ayey Soomaalidu dal iyo dibadba waxay taageero u muujiyaan Racep Tayyib Erdogan iyada oo magaalada “Muqdisho si dhow loola socday doorashada” dalkaas, halkaas oo “dhalin yaradu dabbaa degayeen mar waliba oo codadka Erdogan ay kor maraan” ayuu yiri Cabdibaasid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here