SAFIIRKA MAREYKANKA OO SOO JEEDIYEY IN SOMALILAND KA QAYB GASHO SHIRARKA MAAMUL-GOBOLEEDYADA IYO DF

Larry Andre us amb

Safiirka xilka ka sii tegaya ee Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Larry André ayaa waraysi uu siiyay laanta af Soomaaliga ee BBC wuxuu kaga hadlay khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Dawladda Federaalka, sidoo kale wuxuu codsaday in Somaliland kursi looga baneeyo shirarka Maamul Goboleedyadda iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Safiirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in siyaasiyiinta Soomaaliya ay heshiis ka gaaraan awoodaha iyo mas’uuliyada ay kala yeelanayaan labada heer ee dowladda.

Danjiraha oo ka hadlay khilaafka u dhexeeya Madaxda Federaalka iyo Madaxweynaha Puntland ayaa yiri:

“Waxaa aad muhiim u ah in Soomaaliya ay go’aan ka gaarto awoodaha iyo shaqooyinka ay kala yeelanayaan maamul Goboleedyadda iyo dowladda dhexe. Si taa loo helo, waxaa muhiim ah in ay dhacaan shirar wadaxaajood, sida kan madasha qaranka oo ay iska dhex arkaan Soomaalida oo dhan”.

Safiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “Waxaan jeclaan lahaa in kulamadaas Maamul Goboleedyada iyo D Federaalka kursi looga banneeyo Somaliland.” hadalkan ayaa wuxuu meesha ka saaraysa Madaxbanaanidii iyo Gooni-isutaaggii ay 32 sano sheeganayeen, hadaladda noocan oo kale ah ayaa waxay bilow u yihiin sumcad xumadda uu dagaalka Laascaanood Somaliland u soo hooyey, iyadoo ay dhamaan Beesha Caalamku dhabarka u jeediyeen, kadib Maleeshiyadu tacadiyo iyo barakicin baahsan geysteen.

Safiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in marnaba uusan madaxweyne Deni ku raacsanayn inuu ka maqnaado kulamada Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya.

“Kuma raacsani oo xitaa waan u sheegay Madaxweyne Deni in kulamadaas ay ka maqnaato Puntland. Maamul goboleedkaas waxa uu ahaa mid Soomaaliya ka tirsan oo si habsami leh u shaqeynayey muddo 25 sano ah. Waxa uu leeyahay qiso muhiim ah oo uu la wadaagi karo Soomaaliya inteeda kale.”

“Si guul buuxda looga gaaro Soomaaliya, waxaa muhiim ah in Puntland ay qeyb ka tahay. Waxaan Deni u sheegay in xitaa haddii uu ka baaqdo kulamada uu muujiyo aragtida uu ka qabo arrimaha masiiriga laga hadlayay. Laba goor ayaan arrintaa kala hadlay, wax jawaab ahna ima uusan siin,” ayuu yiri danjire Andre.

Bilowgii sannadkan ayuu soo shaac-baxay khilaaf u dhaxeeya dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Puntland kaddib markii Puntland ay soo saartay bayaan muran dhaliyay kaas oo tibaaxayay in dowladda dhexe in ay “hagardaamo” ku waddo hanaanka dowlad dhiska Soomaaliya.

Sida ku cad dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 142-aad, farqaddiisa 1-aad, dowladda Puntland waxay xaq u leedahay in, iyadoo qayb ka ah dowlad dhiska dalka, ay u dhaqanto sidii dowlad u madax bannaan fulinta dhammaan waajibaadyadeeda dowliga ah.”

Danjiraha oo ka hadlayay qibradda uu u leeyahay Soomaaliya iyo markii ugu horreysay ee uu Soomaaliya tago ayaa yiri:

“Waxaan Soomaaliya markii ugu horreysay booqday sanadkii 2001. Haddii aan isbarbar dhig ku sameeyo sidii ay Soomaaliya ahayd 22 sano ka hor iyo maanta, horumar badan ayay samaysay. Waxaan si weyn ugu kalsoonahay in Soomaaliya ay si buuxda u soo kaban doonto. Waxaase jira dhibaatooyin dhanka dowladnimada ah, amniga ah, bani’aadannimada ah maadaama ay dhacday abaar aan nooceeda horay looga arag Soomaaliya.”

XIGASHO: BBC SOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here