SAFIIRKA SHIINAHA EE SOOMAALIYA OO KA JAWAABAY QORAAL SOMALILAND QORTAY

china and somalia

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Danjire Fei Shengchao ayaa ka falcelinayay qoraal ka soo baxay Maamulka Hargeysa, kaas oo ay ku taageerayeen Taiwan.

Warka Somaliland ayaa sidaan u dhignaa “xuduudaha qaran ee jira ee waddan waa in la ixtiraamo lagana ilaaliyo argagixisada ku soo duusho ama khatar dibadeed, laakiin dhibaatooyinka Shiinaha waxay jabinayaan maqaamkii Taiwan”

Danjiraha ayaa ‘wax lagu qoslo’ ku tilmaamay in xuduud lagu sheego meel aan jirin isaga oo ka jawaabayay warkan ay Somaliland kula safatay Taiwan.

“Waad ku mahadsan tahay taageeradaada. Waa in la ixtiraamaa xuduudaha qaranka. Qoysaska garaadka leh ah xuduud kama samaystaan guriga dhexdiisa.” Ayuu safiirka ku yiri qoraalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here