SAFIIRKA UK OO MUUSE BIIXI KALA HADLAY JOOJINTA DAGAALKA LAASCAANOOD

muuse biix iyo safiirka uk Amb Mike Nithavrianakis

Madaxweynaha Maamulka Hargeysa Muuse biixi Cabdi iyo Safiirka Uk ee Soomaaliya Amb Mike Nithavrianakis oo maanta Magaaladda Hargeysa kulan ku yeeshay ayaa ka wada hadlay sidii Dagaalka Gobolka Sool loo joojin lahaa.

War ay soo saartay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in kulanka lagaga hadlay sidii dagaalka Laascaanood loo joojin lahaa.

Muuse Biixi ayaa safiirka u sheegay in ay diyaar u yihiin dhinacooda xabbad joojin iyo nabad.

Dhinaca kale waxa uu safiirku uu kala hadlay Muuse Biixi arimaha doorashooyinka, isagoo Muuse usheegay safiirka inay hawlaha doorashadu si wanaagsan usocdaan, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay madaxtooyada Somaliland.

Dhawaan ayay ahayd markii Muuse Biixi sheegay in dagaalka Laascanood aanu istaagayn ee uu soconayo ilaa inta dhulka Somaliland ay ku jiraan dad uu ku sheegay cadawga Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here