SARAAKIISHA SARE WAA KU FASHILMEEN HOGAAMINTA IYO DAGAALGELINTII SHALAY

xijaar taliyaha booliiska

Dagaalkii shalay wuxuu muujiyey in Saraakiisha sare ee Mudadda dheer abaabulka ciidanka wadey ay ku fashilmeen isku xidhka ciidanka iyo dagaalgelinta, sida laysugu gurmanayo, dhulka Ciidamada SNM laga kiciyey cida difaacaysa oo ciidanku ku dagaalaymay bedelaysa.

Waxaa ceeb ah in Ciidankii dagaalka ku jiray intay gaadhi la qabsaday soo kaxaystaan ay magaaladda la soo aadaan oo furintii soo baneeyaan, waa dhabarjebin, waa cambaareysan yihiin, waa in la ganaaxaa ciidankii waxaas ku kacay, waana inaan mardambe saraakiisha waxaas sameysay la aaminin, waxay u adeegayaan cadowga, waxaana jira horgallo badan oo habeen iyo maalin cadowgu la soo xiriiro, Isimadda Ciidamadaas jifida ah waa inay si cad uga falceliyaan.

Aagga Laascaanood kama muuqan taliye hawgelineed oo dhamaan ciidamadda hadba meeshii looga baahdo u qorsheeya.

SARAAKIISHA SARE WAXAA IDIINKU WAAJIBA INAAD WAREEJISAAN TALISKA HOGAAMINTA HADDII AYDAAN LAHAYN AWOOD, KARTI IYO AQOON AAD KU DAGAALGELISAAN MALEESHIYADDA KALA DUWAN OO KALA DAMBEYNTOODU XUNTAHAY, WIXII SHALAY DHACAY HOGAAMIN, MELATERINIMO IYO DAGAALGELINTOONA KAMA MUUQAN.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here