SARAAKIISHII IYO CIIDAMADDII SOMALILAND WAA KU WIIQMEEN DAGAALKA LAASCAANOOD

faysal cabdi bootaan

Waxaan shaki ku jirin in Ciidamaddii 30 sano la dhisayey ee Somaliland aaminsanayd inay xoog ku hayn karaa degaamada SSC Khaatumo ay si weyn ugu wiiqmeen dagaalka ay kula jiraan Jamaahiirta SSC.

Khasaaraha ugu weyni ee Somaliland haysta waa ugu yaraan 30 ka mid ah Saraakiishii khibradda lahayd ee degaanka tiqiinay oo dagaalka lagaga dilay, halka qaar badan oo kalena lagaga dhaawacay, waxaa kale oo iyana jug culusi ku dhacday ciidamaddii tababaraa ee mudadda 15 sano degaanka joogay, waxaa kale oo iyana maalin walba sii xumaanaysa niyaddii iyo kalsoonidii Ciidamadda, iyagoo hada ka quus gaaban fekerkii ahaa inay Jamaahiirta si fudud uga adkaan karayaan, waxaana kuu cadeynaysa siday nefis guuleed uga dhigteen nin Xildhibaan ahaan jiray oo u gacan galay ama baabuur la qabsaday, halkii laga sugayey Laascaanood.

Saraakiisha Muhiimka ah ee Somaliland ka dhaawacmay waxaa ka mid ah Faysal Cabdi Bootaan, oo dagaalkii 26 Maarso gacan ka dhaawacmay, gaadhigiisa la gubay, taas oo sababtay in dhiigiisa iyo Macaankiisu kor u kacaan, iyadoo illaa iminka sonkortiisa la dejin kari la yahay, taasoo sabab looga dhigay cabsidii iyo naxdintii faraha badnayd ee dagaalka.

Si kastaba waxaa dhowaan la filayaa dagaal culus oo ay fooda isku daraan Ciidamadda Somaliland iyo Jamaahiirta SSC, kaasoo saameyn balaadhan ku yeelan doona mustaqbalka labada dhinac, Muuse Biixi wixii aan ahayn Laascaanood oo uu qabsado waa u guuldarro, halka SSC Khaatumo ay guushoodu tahay haddii ay Isdifaacaan ama ay fadhiisimo cusub ka qabsadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here