SARKAAL SARE OO GALABTA GOOJACADE SOMALILAND LOOGA DILAY

war deg deg

Sida ay noo xaqiijiyeen illo xogogaal ah, waxaa Galabta Xeradda Goojacade ee Ciidamadda Somaliland ku sugan yihiin lagu dilay Sarkaal Sare oo ciidamadaas ka tirsan.

Dilka Sarkaalkan ayaa waxaa loo sababeeyey labo arimood oo kala duwan, xogta koowaad waxay sheegaysaa inuu u dhintay xabad ay soo tuureen Ciidamadda Jamaahiirta SSC, halka wararka kale sheegayaan inuu ku dhintay muran ciidamadda dhexdooda ka dhacay, balse la qarinayo.

Sarkaalkan oo aanan weli Magaciisa si rasmiga ah u helin ayaa wuxuu ka soo jeeddaa Beesha Habar Awal, gaar ahaan Jibriil Abokor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here