SAWIRRO JAMAAHIIRTA GARXAJIS OO CAGTA SAARAY DARIIQII JAMAAHIIRTA SSC

garxajis

JAMAAHIIRTA BEELWEYNTA GARXAJIS ayaa u muuqda inay cagta saareen dariiqii Jamaahiirta SSC kadib markii ay saaka si aan kala harlahay u soo dhoweeyey Gudoomiyaha Gudiga Garxajis Suldaan Axmed Cismaan Cadde Gude.

Kumanaan dhalinyaro ah iyo bulshadda qaybaheeda kala duwan ayaa isugu soo baxay agagaarka garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, kuwaas oo u quus gooyey koofiyad bacleyaashii Muuse Biixi ku adeegan jiray iyo horgallada Xukuumadda kaga jira.

soo dhoweyntan kuwa la mid ah ayaa la filayaa in loo sameeyo midba markii uu soo degayo Musharax Cirro, Cabdirisaaq Khaliif iyo Xirsi, taasoo ay caalamka ugu muujinayaan cududooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here