SAWIRRO QAAR KA MID AH QOYSASKA DANYARTA EE LAASCAANOOD OO RAASHIN LOO QAYBIYEY

deeq maxamed osman9

Xilli Magaaladda Laascaanood ay ku nool yihiin qoysas badan oo danyar ah oo xaaladoodu nololeed adag tahay oo meelna u qaxi kari waayey ayaa maanta qaar ka mid ah qoysaskaas waxaa loo qaybiyey deeq raashin ah oo ay soo direen qaar ka mid ah Qurbajoogta Dalka Danmark, kuwaas oo ka damqaday dhibta haysata Walaalahooda Soomaaliyeed ee Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn.

Qaybinta Deeqdan ayaa qurbajoogto u soo xilsaarteen Mahamed Cismaan Ibraahim Qowdhan oo ka mid ah dhalinyaradda Haldoorka ah ee degaanka.

Iyadoo lagu jiro 10 dambe ee bisha barakaysan ee ramadaan ayaa Qoysaska deeqda la gaarsiiyey waxay u duceeyey qurbejoogtii Danmark ee caawimadan u soo diray, sidoo kalena ay si weyn ugu mahadnaqeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here