SHACABKA ISRAAIIL OO MUDAHARAADYO WAAWEYN DHIGAYA IYO SABABTA

mudaharaad israel

Boqolaal kun oo Israa’iiliyiin ah ayaa ka qeyb qaadanaya waxa ay dadka qaar ku tilmaameen mudaaharaadkii ugu weynaa ee taariikhda dalkaasi soo mara.

Bannaanbaxyadan oo looga soo horjeedo qorshaha dowladda ee dib u habeyn ballaaran oo lagu sameynayo nidaamka garsoorka ayaa socday muddo 10 toddobaad ah.

Tiradii ugu badneed ee mudaaharaadayaasha ayaa isugu soo baxay magaalooyin ay ka mid tahay sida Haifa, halka ilaa 200,000 la rumeysan yahay inay isugu soo baxeen waddooyinka Tel Aviv.

Dadka dhaleeceeya arrinta kicisay dadweynaha ayaa sheegaya in dib u habeyntu ay wiiqi doonto dimuqraadiyadda.

Balse xukuumadda Benjamin Netanyahu ayaa sheegtay in isbedellada la qorsheeyay ay u wanaagsan yihiin dadka wax dooranaya.

Qaban-qaabiyaasha ayaa sheegay in ilaa 500,000 oo ah dibadbaxayaal dimoqraadiyadda taageersan ah ay isugu soo baxeen waddooyinka waddanka oo dhan Sabtidii, waxaana uu wargeyska Haaretz ee Israa’iil uu ku tilmaamay dibadbaxaan“kii ugu weynaa ee taariikhda dalka”.

Hogaamiyaha mucaaradka Yair Lapid ayaa u sheegay dad isugu soo baxay magaalada koonfurta ku taal ee Be’er Sheva in wadanku uu wajahayo “dhibaatadii ugu weyneyd ee soo marta taariikhda”.

“Mowjado argagixisanimo ayaa nagu soo wajahan, dhaqaalaheenna wuu burburayaa, lacag ayaa dalka ka baxaysa, Iran ayaa shalay heshiis cusub la saxiixatay Sacuudiga, laakiin waxa kaliya ee ay dowladdan danayso waa burburinta dimuqraadiyadda Israa’iil,” ayuu yiri.

Tamir Guytsabry, oo ka mid ah dibadbaxayaasha kuna sugan Tel Aviv, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters hadalkan: “Ma ahan dib u habeyn xagga garsoorka ah, waa kacaan [ka dhigaya] in Israa’iil ay gasho kalitalisnimo buuxda, waxaanan rabaa in Israa’iil ay ka sii jirto dimuqraadiyaddu,”.

Dib-u-habayntan ayaa ujeeddadeedu tahay in xukuumadda la soo doortay la siiyo saamayn go’aan leh oo ku aaddan doorashada garsoorayaasha oo xaddidaysa awoodda Maxkamadda Sare si ay u xukunto fulinta ama joojinta sharciga.

Arrintaan waxay sababtay kala qaybsanaan qoto dheer oo ka dhex jirta bulshada Israa’iil, si weyna, loo dareemay. Isniintii, tallaabo aan hore loo arag, aya awaxaa qaaday tobanaan duuliyayaal kayd ah oo ka tirsan kooxda ciidamada Cirka ee Israa’iil ee caanka ah taas oo ahayd in aanay ka soo xaadiri doonin tababar ay u ballansanaayeen. Markii dambe way isbedelleen waxayna ku heshiiyeen inay ka soo qaybgalaan oo ay wadahadal la yeeshaan taliyayaashooda.

Khamiistii, dibad-baxayaashu waxay xireen waddooyinka waxayna isku dayeen inay joojiyaan Mr Netanyahu oo safar u ahaa Rome.

Xukuumadda ayaa ku andacoonaysa in mudaaharaadyada ay hurinayaan dad ka soo horjeeda siyaasadda dowladda.

Dadka dhaliila arrimahaan ayaa sheegaya in dib u habeynta la qorsheynayo, oo mar horeba la soo mariyay baarlamaanka, ay siyaasadeyn doonto garsoorka, ayna horseedi karto dowlad awood leh.

Mr Netanyahu ayaa sheegay in dib u habeynta la sameeyay ay tahay in maxkamadaha ay joojiyaan ku xadgudubka awoodda taas ay u codeeyeen shacabka Israa’iil doorashadii ugu dambeysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here