SHACABKA KAATUMO OO SOMALIYA KU TAAGEERAY INAAN SOMALILAND SHIDAAL LAGA BAARIN

calanka khaatumo

Guud ahaan shacabka Khaatumo iyo halgameyaasha kacdoonka ka wada Gudaha Magaalada Laascaanood ayaa si weyn u soo dhoweeyey qoraal ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ku diiday in Somaliland laga sameeyo baaris shidaal ama kheyraad kale.

Shacabka ayaa sheegay inay guud ahaan degaamadooda laga taageersan yahay midnimadda Soomaaliya, islamarkaana ay ka soo horjeedaan maleeshiyaadka Somaliland ee degaamadooda xooga ku jooga, kuwaas oo si qorsheysan u dila dadka waxgaradka ah ama midnimadda jecel ee Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn.

Shacabka ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu ilaaliyo midnimadda iyo Kheyraadka Waddanka Soomaaliya oo ay waajib ku tahay ilaalintoodu.

Akhriso qoraalkii Dawladda Federaalka Soomaaliya:

diidmo baaris shidaal somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here