SHEEKH UMAL OO KA HADLAY SURWAALKA AY KU LEBISATO KHADIIJA M DIIRIYE

sheekh umal2

Waxaa si weyn loo hadal hayaa hadal kasoo baxay Sheekha Soomaaliyeed ee caanka ah Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo dhaliilay waxa uu ku tilmaamay sarwaal ay horey u xiratay wasiirka gargaarka iyo maareynta masiibooyinka Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye, inkasta uusan si cid u sheegin magaca qofka ay farrintiisa ku socotay.

Balse waxaa hadalkan jawaab ka bixisay wasiir Khadiijo oo sheegtay in Sheekha aanay waxbo ka gelin sarwaalka maadama dumar badan oo Muslimiin ah ay xirtaan.

“Wasiirad dowladda Soomaaliya ka tirsan oo meel fagaare ah laa taagan tahay sarwalkii ragga ay gogosha ku seexanayeen ayay la taagan tahay oo ay isku sawirreysaa, markaas ayay baraha bulshada soo dhigeysaa xitaa xishood darrada iyo sariig la’aanta heerkaas ayay gaartay”

“Maxaa kuu haray? oo da’dan aad isku qaawin oo maxaad raadineysaa , farriin bey xambaarsan tahay”

Sheekh Umal ayaa ka digay dumarka sameynayaan tallaabooyinka dhaqan xumada ee ka dhanka ah diinta Islaamka.

“Maxay u galayaan waxa aysan garaneyn? maxay qiyamka iyo akhlaaqda dumarka u weerarayaan? imisaa dumar baa laga qabanaya diinta Ilaahey” ayuu yiri Sheekh Maxamed Umal oo shaley khudbadda jimcaha ka jeedinayay masjid ku yaalla Nairobi.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo muuqaal soo dhigtay boggeeda Facebook waxay tiri “Dunida Muslimka ah marwooyinka ugu sarreeya ayaana saraawiisha xiran, sarwaalka shaley laga hadlay kama duwano saraawiishaas”.

Waxay intaa ku dartay in aan la sOo koobin karin tirada dumarka xirta saraawiisha ee ka shaqeeya hay’adaha dowladda.

“Waxaa soo wehliyay shaley oo jimco aheyd in uu ka hadlo Sheekh Umal, diinta Islaamka waa nasteexo, midda koowaad waxay ka hadleen surwaal, waxay ogyihiin umadda Soomaaliyeedna ogtahay iska dhaaf dumarka Soomaaliyeed yar iyo weyn, inta surwaal xiran oo goleyaasha dowladda iyo hay’adaha dowladda ka shaqeeyo lama xisaabin karo” ayay tiri Wasiir Khadiijo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here