SHIIDAALKII UGU HOREEYEY OO SANADKAN SOOMAALIYA LAGA QODAYO

shiidaal soomaaliya

Soomaaliya ayaa la filayaa in ay dabayaaqada sannadkan 2024 billowdo qodista ceelkii shidaalkii ugu horreeyay dalka laga soo saaro, iyadoo shirkadda qandaraaska lagu siiya ay durba bilowday in ay asteyso meesha ugu haboon ee laga duleelin karo ceelka ugu horreeyay ee shidaalka laga soo saari doono, kaas oo ku yaal aagga ku aadan xeebta degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Wasiirka Batroolka iyo Macdnta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa wareysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in Soomaaliya ay dabayaaqada sanadkaan la soo saari doono shilkii ugu horeeyay ee laga qodo gudaha Soomaaliya, kaas oo la filayo in uu noqdo maadada caeeriinka ah, kadibna loo diri doono tijaabo baaritaan.

Dhawaan waxaa khubaro ka socota Hay’adda Batroolka Soomaaliya ay booqdeen deegaanno ka tirsan Galmudug, gaar ahaan degmada Hobyo, halkaas oo ay maamulka iyo dadka deegaanka kala hadleen saamaynta dhinaca deegaanka ee ay yeelan karto shidaal soo saaristu.

Waraysiga uu BBC da siiyay wasiirka Batrool ka ayuu ku faahfaahiyey qorshaha shidaal soo saaridda iyo sida ay isugu xigaan hawlaha lagu soo saarayo shidalka ceeriin.

Wasiirku wuxuu sheegay in dadaallada lagu doonayo in la soo saaro khayraadka shidaalka ceegaaga Soomaaliya uu marxaladdii ugu dambeysey marayo, islamarkaana qorshuhu yahay in saddexda bilood ee ugu dambeysa sannadkan lagu wado in ceelkii shidaal ee ugu horreeyey la bajiyo.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa nasiib u yeelatay in ay noqoto meesha ugu horreysa ee shidaalka laga qodi doono, waxaana degmada Hobyo oo qorshuhu yahay in xeebaheeda hawsha laga billaabo dhawaan booqday khubaro ka socotay Hay’adda Betroolka Qaranka oo halkaas kulamo kula yeeshay dadka deegaanka.

Khuburadan ayaa intii ay joogeen Hobyo waxay si dhow ugu kuurgaleen saameynta qodista iyo soosaarista shidaalku ku yeelan karto deegaanka, gaar ahaan bulshada xeebaha ku nool ee u nugul nakhaska karboonka ee ka soo fufaya lakabyada badda gunteeda ah ee shidaalku ku xanniban yahay.

Dadka deegaanka oo horay ula hadlay warbaahinta ayaa marar kala duwan cabsi ka muujiyay arrintaan.

Badda Soomaaliya waxaa ku yaal illaa 250 xirmo oo horay loo qoondeeyey, sida ay baahisay wasaaraddu, balse Wasiirka Batroolku wuxuu xaqiijiyey in xilligan la joogo ay diyaar yihiin illaa 7 xirmo oo ku kala yaala bartamaha iyo koonfurta Soomaliya, ku waas oo kala ah Galmudug (3 xirmo), Koonfur Galbeed (2 xirmo) iyo Jubaland (2), kuwaas oo sida qorshuhu yahay lagu talo jiro in laga soo saaro shidaal la doonayo in mustaqbalka la dhoofiyo.

“Isha ceelka ayaa la raadinayaa”

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed wuxuu sheegay in goor dhow la billaabi doono sahminta bedka dhul badeedka ee loo yaqaan ‘3D seismic survey’ si loo dhudhumiyo qotoda bed dhuleedka islamarkaana loo xaqiijiyo halka ay ku taal isha ceelka la qodayo, taas oo badanaa qaadata muddo 3 bilood ah.

Marka uu soo idlaado sahankaas, islamarkaana la helo isha ceelka, waxaa billaabaneysa in ceelka la duleeliyo, dabadeedna shidaalka la soo saro.

Shirkado caalami ah oo ay ka mid yihiin Chevron, Eni, ExxonMobil iyo Shell ayaa hawlo shidaal baaris ah ka billaabay Soomaaliya 1950-meeyadii, laakiin midkood ma soo gaarin heer yididiilo leh ilaa ay markii dambe dalka isaga baxeeen markii dagaallada sokeeye ay dillaaceen 1991.

Shirkadda Coastline Exploration oo fadhigeedu yahay magaalada Houston ee dalka Mareykanka oo hoggaamineysa hawsha shidaalka, waxay sannadkii 2022 kii dowladda federaalka ah ee Soomaaliya kula heshiisey in y baaritaan iyo shidaal qodis ka sameyso 7 aag oo ku fadhiya dhul 35,000 km oo isku wareeg ah, sida uu baahiyay suuqa kala iibsiga badeecadaha shidaalka ee SPG.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku han weyn in horumarinta khayraadka shidaalku ay dalka u soo jiideyso dhaqaale wax looga qabto daruufaha jira, sidoo kalena ay irdaha u fureyso fursado shaqo, canshuur dowladda soo gasha iyo maalgashi shisheeye.

Dhinaca kale Agaasimaha Fulinta shirkadda Coastline Exploration, Richard Anderson oo goor sii horreysey la hadlayey S&P Global Commodity Insights ayaa hoosta ka xarriiqay in “marka laga shidaal qaato baaxadda shidaalka Soomaaliya ku keydsan, ay fursaddani tahay mid aan la dayici karin.

Anderson ayaa intaas ku daray in shidaalka laga helo Soomaaliya uu beddeli doono isku dheellitirnaanta siyaasadda ku dhisan ahmiyadda dhulka, sidaa darteed dadka Soomaaliyeed aysan iska lumin fursaddan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here