SIXID ERGAY CABDIKARIIM GUULEED MA KHUSAYSO SSC KHAATUMO

cabdikariim xuseen guuleed

WAR DEG DEG AH oo aanu ka helnay illo u dhuun daloola Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa inoo xaqiijiyey in Magaabista ergayga Somaliland Cabdikariim Xuseen Guuleed aanay Khuseynin SSC Khaatumo iyo colaada ka socota, islamarkaana Goboladda SSC ay Dawladda Soomaaliyeed u aqoonsatay degaamo hoos tagga dawladda Federaalka iyo midnimadda Soomaaliyeed, goaamintoodana ay Madaxweynaha Federaalka u taal, Cabdikariim na uu ku egyahay Wadahadaladdii caadiga ahaa ee horey u socday.

Sidii kale waxaa naloo xaqiijiyey in xogtan loo gudbiyey Isimadda iyo Gudigga SSC, Sidaasdarteed waxaan raaligelin ka bixinaynaa qoraal hore oo aanu ergayga ka qornay oo faham qaldan watay, qoraalkaas waanu masaxnay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here