SOMALILAND WAXAY MARTAY DARIIQII GEELLII INDHOBADANE EE MUUSE AWOOWEYAASHII LAGA QAADAY

muuse biixi indhobane

Madaxweyne Muuse Biixi waxaa lagu wareejiyey dawlad Somaliland la yiraahdo oo caalamka ku lahayd sumcad kor u socotay, beelaha wada deganina ay ku wada noolaayeen nabadgelyo iyo isfaham wixii soo kala dhexgala, 5 sano kadib wuxuu burburiyey tacabkii 32 sano, kadib markii koox dhalinyarro ah oo FAHIIMA YUUSUF QUUJE IYO RAXMO YAR hogaaminayaan 15 daqiiqo laascaanood kaga faramaroojiyeen.

Arintani waxay la mid tahay Geel loo bixiyey INDHOBADANE oo Muuse Biixi awooweyaashii iyagoo aan ku dagaalamin laga qaatay, gabayadii laga tiriyey halku dhigyadii caanka noqday waxaa ka mid ah “IRBAD DHUUB MA GELISAAN AFKUNA WAYDIN DHEERYAHAYE” maanta ayey taagan tahay oo Muuse aanu caqli iyo garasho uu Somaliland ku badbaadiyo haynin, welina wuxuu sii wadaa HAWO BEEN AH, HADAL AAN WAX TARAYN IYO AFXUMO.

Nin Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble la yiraahdo baa 6 sano ka hor la weydiiyey “MAXAAD INAADEERKAA MUSHARAX MUUSE BIIXI UGA SOO HORJEEDAA? wuxuu ku jawaabay ” maanta gabdhahayaga Habar Awal baa ugu qaalisan, waxaan ka baqayaa in haddii Muuse Biixi Madaxweyne noqdo aanu ceebowno oo hablahayaga la guursan waayo” maanta waxaa taagan arintii Xildhibaan siciid u muuqatay ee uu ka baqayey, MUUSE BIIXI SOMALILAND WUU QAAWIYEY, BEESHIISIINA WUU QAAWIYEY, ISNA WAA ISQAAWIYEY, magaca Ehlu Naar waxaa kaga habooni “MUUSE QAAWIYE”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here