SOOMAALIYA OO DIIDAY IN SOMALILAND SHIIDAAL LAGA BAARO

astaanta soomaaliya

Wasaaradda Batrolka iyo Macdanta ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga hortimid qorshaha ay waddo Somaliland ee ku adan in shidaal baaris laga bilaabo deegaanadeeda ayadoo kaashaneyo shirkad caalami ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay si dhow ula socoto howl-gal ay sheegtay inuu sharci darro yahay oo lagu doonayo in shidaalka looga baaro gobollada Waqooyi oo hadda loo yaqaano Somaliland, ayada oo shaacisay in qorshahaasi ay fulineyso shirkad lagu magacaabo Genel Energy PLC.

Qoraalkan ayaa waxaa si cad loogu diiday shirkadda Genel Energy PLC inay Somaliland ka billowdo shidaal baaris, waxayna ugu baaqday inay joojiso damaceeda ku aadan shidaalkaasi.

“Iyada oo laga duulayo Mabda’a Madaxbanaanida Joogtada ah ee Kheyraadka Dabiiciga ah, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay xasuusineysaa Shirkadda Genel Energy PLC iyo cid kasta oo kale oo maalgashan karta in ogolaanshaha sahaminta iyo horumarinta kheyraadka batroolka ee Soomaaliya uu waafaqo qodobka 44-aad ee Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah, Lahaanshaha, Maareynta iyo Heshiiska Wadaagista Dakhliga, Sharciga Batroolka iyo sharciyada kale ee lagu dabaqi karo iyo xeerarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda Batroolka.

Sidoo kale waxa ay Wasaaraddu fariin culus u dirtay madaxda dowladda oo ay ugu baaqday inay qaadaan talaabooyin deg deg ah, si loo ilaaliyo madax banaanida kheyraadka dalka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ka jawaabaysa wax kasta oo lagu xad-gudbayo madax-bannaanida kheyraadkeeda, waa in ay qaaddaa tallaabo kasta oo suurtagal ah, ayna raacdo dhammaan dariiqooyinka sharciga ah, taasoo qayb ka ah waajibaadkeeda dastuuriga ah ee ilaalinta midnimada geyiga Soomaaliyeed, midnimada iyo madax-bannaanida joogtada ah ee kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya oo ay ku jiraan khayraadka kasta,” ayaa lagu soo geba-gabeeyay Warka dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Somaliland oo ku aadan go’aanka maanta kasoo yeeray dowladda federaalka ee ku aadan shidaal baarista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here