SOOMAALIYA OO XUBIN KA NOQOTAY URURKA BULSHADA BARIGA AFRIKA EAC

astaanta soomaaliya

Soomaaliya ayaa hadda noqonaysa Xubintii 8-aad ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) kadib markii ay ansixiyeen madaxda dalalka xubnaha ka ah ee ku shirsan magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.

Daud Aweis, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, ayaa sheegay in ku biiritaanka ururkan ay muujineyso guul diblomaasiyadeed oo muhiim ah. Wuxuu intaas ku daray in tallaabadaas ay Soomaaliya u furi doontaa albaabo cusub oo horumar iyo iskaashi ah.

Wadahadalladan ayaa billowday bishii Agoosto iaygoo u dhexeeya EAC iyo Soomaaliya oo ay martigelisay dowladda Kenya.

Bulshada Bariga Afrika waxay hiigsanaysaa in ay balaariso baaxadeeda suuqeed iyada oo rajaynaysa in ay midayso dhamaan wadamada Geeska Afrika.

Horaantii sanadkan, Dr. Peter Mathuki, Xoghayaha Guud ee EAC, ayaa ka dhawaajiyay in Jabuuti iyo Itoobiya iyagana laga yaabo in ay ku soo biiraan EAC.

Hadda EAC waxaa kamid ah 7: Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Kenya, South Sudan, Tanzania, Rwanda , Uganda iyo Soomaaliya oo hadda kusoo biirtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here