SSC-KHAATUMO OO WARSAXAAFADEED KA SOO SAARAY DAGAALO KA SOCDA GOBOLKA SOOL

caaqil cabdirisaaq falaalug

Waxaa barqanimadii maanta Ciidamada malayshiyada Somaliland ay labo weerar ku soo qaaddeen deegaanka Dhabansaar iyo duleedka Tuulo-Samakaab iyo bariga magaalada Laascaanood, iyaga oo dharbaaxo iskacaabbin ah oo kulul kala kulmay Ciidamada xaq-u-dirirka ah ee difaaca shacabka SSC.

Dhinaca Dhabansaar, maalmihii ugu dambeeyey Malayshiyada Somaliland waxay ku aruurisay ciidamo qorshohoodu ahaa in ay kaga dabotagaan shacabkii hore uga qaxay madaafiicda ay ku garaacayaan magaalada Laascaanood, iyada oo uu dagaalka ay isku difaacayaan shacabka deegaanku uu weli ka socdo duleedka Samakaab, waxaana jab xooggan halkaas lagu gaarsiiyey ciidamada malayshiyada Somaliland.

Dhinaca duleedka bariga Laascaanood ayaa waxaa ka socda dagaal ka dib markii ay weerar soo qaadeen malayshiyada Somaliland, ciidamada shacabka deegaanka ayaa weerarka caabbiyey welina dagaal qadhaadh ayaa aagaa ka socda. Shacabka deegaanka SSC-Khaatumo waxay wacad ku mareen in ay dalkooda ka sifeeyaan malayshida duulaanka ku ah.

Caaqil Cabdirisaaq Falaalug

Afhayeenka SSC-Khaatumo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here