WAARE OO XIL SARE URURKA IGAD LOOGA MAGACAABAY

madaxweyne waare

Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta xil sare looga magacaabay urur goboleedk IGAD.

Waare ayaa noqday ku xigeenka xoghayaha guud ee ururka IGAD oo ay Soomaaliya qayb ka tahay, sida uu xaqiijiyay wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka  Soomaaliya

Daa’uud Aweys oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in magacaabistan ay tahay guul weyn oo diblomaasiyadeed, una soo hoyatay Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in magacaabistan ay sare usii qaadeyo sumcadda iyo maqaamka guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

“Waa guul kale oo diblomaasiyadeed oo u soo hoyatey Dowladda Federaalka Soomaaliya. magacaabistiisa Mudane Waare waxay sare u qaadeysa sumcadda iyo maqaamka Soomaaliya ay ku leedahay gobolka iyo guud ahaan caalamka” ayuu yiri wasiirku.

Waare ayaa markii ugu dambeysay ahaa ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka, ayada oo xilkaas dhawaan uun laga qaaday, waxaana loo magacaabay Xildhibaan Cumar Ibraahim Xaashi, sababtuna waxa ay ahayd xilka loo waday oo ugu dambeyn maanta looga magacaabay, isaga oo noqday ku xigeenka xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD.

Magacaabistiisii ayaa sidoo kale timid, kadib markii ay Soomaaliya codsi u gudbisay dalalka xubnaha ka ah IGAD, sidaasna lagu magacaabay Mudane Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa noqday mas’uulkii saddexaad ee Soomaali ah oo xilligan xil sare ka haya ururka goboleedka IGAD.

Waxaa hadda IGAD xil ka haya wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ah ergayga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan la qabsiga cimilada iyo ilaalinta deegaanka.

Sidoo kale, waxaa dhowaan Wakiilka IGAD ee Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Soomaaliya, loo magacaabay Maxamed Kaarshe oo horey usoo noqday wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here