WADAHADALADII ISIMADA SSC IYO DAWLADA ITOOBIYA OO GUUL KU DHAMAADAY

isimada ssc iyo wefti itoobiyaan

Wada-hadalo ay magaalada Garoowe shalay ilaa xalay ku lahaayeen Isimadda Dhaqanka SSC iyo Wafdi kasocda dawladda Itoobiya ayaa guul ku soo dhamaaday, Labada dhinac ayaa ka hadlay dagaalka Gobalka Sool.

1- Isimaddu waxay sheegen in duulaan lagu soo qaaday, magaaladooda laburburiyey si kasta walina weerar lagu yahay- iyagu aysan marnaba weerar aheyn, magaalada ay difaacanayaan dadka deegaanka oo aysan Argagixiso joogin.

2- Waxay beeniyeen in ciidanka Somaliland xabadjoojin ay dhaqangaliyeen, waxay sheegeen in dadka deegaanku iska difaaceen 8 weerar oo waa weyn oo ay kusoo qaadeen magaalada Laascaanood.

3- Kaabayaasha bulshada la burburiyey (Isbitaalka dhammaan qeybihiisa, xarumihii danta guud, Korontada oo shaqaalaheedii la afduubay, qaar la dilay qalabkiina la waxyeeleyey).

4- In nabad iyo xabadjoojin ku imaanayso in ciidanka Somaliland lagu celiyo xadkoodii, lagana saaro gobalka Sool, sidii ay soo saareen 6-dii bishii Feb-2023, maalinkii dagaalku bilowday.

DHINACA ITOOBIYA; ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii xalwaara loo heli lahaa, ayna soo dhageysteen 2-da dhinacba Laascaano Vs Hargeysa, Addis Ababa-na ay doonayso in si nabad ah lagu dhameeyo dagaalka Laascaanood, iyagoo tilmaamay in dagaalka oo sii socda aysan Geeska Afrika dani ugu jirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here