WADANKA RUUSHKA OO JABSADAY SHIR LOOGU TASHANAYEY

russia flag

Ruushka ayaa u dhacay wada hadallada shir muhiim ah oo ka socday Jarmalka. Dowladda Jarmalka ayaa qiratay in tani ay tahay jabsasho cad.

Kanaalka rasmiga ah ee Ruushka ee RT ayaa maqalka shirkan oo muuqaal ahaa ku baahiyay baraha bulshada.

Saraakiisha Jarmalka ayaa ka wada xaajoonayay arrimaha Ukraine iyo Ruushka.

Hoggaamiyeyaasha Ruushka ayaa sheegay in codkan uu caddeynayo sida `cadowga Ruushka` uu u qorsheynayo inuu weerar kusoo qaado dalkiisa.

Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholtz ayaa shalay sheegay in dusinta codkan ay tahay arrin khatar ah, isla markaana baaritaan lagu sameyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here