Shirkadda Korontada ee ay dowladdu maamusho ee Ghana (ECG) ayaa Khamiistii jartay sahaydii korontada ee baarlamaanka, kaddib markii lagu la haaday deyn dhan 23 milyan oo cedi Ghana ah oo u dhiganta ($1.8m; £1.4m).
Muuqaal ay faafisay warbaahinta gudaha ayaa muujinayay xildhibaano ku sugnaa qolka nalka iyagoo ku dhawaaqaya: “Dumsor, dumsor”, taas oo macnaheedu yahay koronto la’aan marka loo eego luqadda maxalliga ah ee Akan.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in koronto-dhaliye dib u soo celiyay korantada qolka dhowr daqiiqo ka dib. Laakin qeybaha kale ee xarunta baarlamaanka ayaa inta badan maanta koronto la’aan ahaa.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay isku-deygii dil ee uu Muqdisho uga badbaaday Ugaas Axmed Saleebaan Shidde (Mahiigaan).
Wasiir Fiqi ayaa Maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi ku eedeeyay isku-deyga fashilmay ee la rabay in lagu khaarajiyo Ugaaska, oo isagu si adag uga soo horjeeda maamulka Biixi.
“Ugaas Mahiigaan oo kamid ah dhaqanka ka soo jeedaa Gobollada Waqooyi ayaa ka badbaaday shirqoolka kooxo taabacsan Maamulka Gobolada Waqooyi waxayna u geysteen dhaawacyo culus,” ayuu Wasiir Fiqi qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).
Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dhacdadaan uu la wadaagay hay’adaha amniga Soomaaliya, si baaritaan qoto dheer loogu sameeyo isku-deyga dil ee uu ka badbaaday Ugaas Mahiigaan.
“Waxaan la wadaagnay dhacdadaan hey’adaha amniga dalka si ay u baaraan kiiskan, sharcigana loo horkeeno kooxihii,” ayuu qoraalkiisa sii raaciyay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi.
Eedeynta uu Somaliland u jeediyay Fiqi ee la xiriirta isku-deyga dil ee uu ka badbaaday Ugaas Axmed Saleebaan Shidde (Mahiigaan) ayaa imaneysa xilli uu Ugaaska afkiisa ka sheegay in kooxdii soo weerartay uu soo dirsaday maamulka Somaliland, gaar ahaan madaxweyne Biixi.
Sidoo kale Ugaaska ayaa sheegay in masuul ka tirsan Sirdoonka Somaliland uu soo wacay isaga oo ku wargeliyey in maalin dambe uusan ka badbaadi doonin raggii jir-dilka u geystay, haddii uusan faraha kala bixin arrimaha Somaliland.
“Shir jaraa’id ayaan qabtay maalin ka hor, waxaan cadeeyey in dadka reer waqooyiga ah ee Muqdisho lagu leynayo ay ka dambeeyaan Muuse Biixi iyo Ina Kaahin, ragga isoo weeraray taasbey ka duulayeen, xalayna waaba la ii cadeeyey oo waxaa la iga soo wacay Hargeysa,” ayuu yiri Ugaas Mahiigaan.
Ugaaskaan ayaa sheegay inuu qabo dhaawacyo daran oo dowladda Soomaaliya ama qabiil kale uusan u geysan, balse Muuse Biixi uu soo abaabulay, “waxaana beegsanaya Muuse Biixi oo dadka kala fogeynaya,” ayuu yiri.
Dowladdaha caalamka ee heshiiskan ka hadlaya ama saxaafadda faaqideysa waxay dhamaan ka hadlayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Abiy Axmed. Halkan aanu ku jirin Muuse Biixi ama Somaliland.
Mareykanka marka ay ka hadlayeen heshiiskan, waxay sheegeen in gobolka Waqooyi ee Soomaaliya ee hadda loo yaqaano Somaliland inuu weli ka tirsan yahay Soomaaliya, qadiyadda badduna ay ka dhaxeyso Soomaaliya iyo Itoobiya.
Si lamid ah waxa intaasi yiri Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo dowladaha waaweyn ee ka hadlay heshiiskan.
Illaa hadda majiro dal heshiiskan waxyar oo taageero ah u muujiyay, Itoobiyana wuxuu ka lumiya garbihii siyaasadda arrimaha dibadda.
Marka laga hadlayo heshiiskan, sababta uusan caalamka usoo hadal qaadeyn Somaliland waa sharciyadda. Adduunka gobol waa kaalmeyn karaa, laakiin marka ay timaado qadiyaddaha sidan u waaweyn waxay istaagan boos u qalma dowlad ahaantooda, oo aan dhaawaceyn sharciyadda qoran ee caalamka.
Lama fileynin heerka fal-celinta ee Soomaaliya. Muqdisho ma aanay daahin diidmadeeda. Taas oo dib u durjisay dalalkii laga yaabi lahaa inay Itoobiya taageero u muujiyaan.
Muuse Biixi inkasta uu dhowr jeer ka hadlay heshiiska uu saxiixay ee muranka badan dhaliyay, haddana dhamaan dalalka daneynaya mowduucan marna ma xiggan hadalka Biixi, mana soo hadal qaadin, taasi oo dharbaaxo ku dhufatay maamulkan 33 sano raadinayay inay aduunyadda aqoonsato.
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu taas caksigeeda kor usoo kacay dhowr darajo xagga siyaasadda arrimaha dibadda, wuxuuna kale uu keenay dowladdo waaweyn oo heegan u ah inay Soomaaliya waqtiga adag garab istaagan. Waxaa kamid ah Turkiga.
Inkasta oo Ankara aanay hadda u xaydneyn inay dagaal la gasho Itoobiya, haddana heshiiska ayaa ilaalin faraya, Soomaaliya-na inta la jiitamayo waxay dhisan kartaa ciidan baddeed, iyada oo hub fiicana u heli karta, maadaama laga qaaday cuna-qabateyntii hubka.
Dhawaan wareysi uu bixiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu siiyay Wakaaladda wararka ee Reuters ayuu ku sheegay inuu dalkiisa is-difaaci doono haddii ay Itoobiya isku deydo inay xoog ku dhaqan-galiso heshiiskan, taasi oo hordhac u ah inuu dagaal saddexaad dhex-mari karo labada dal, haddii Addis Ababa tijaabiso inay xoog ku qaadan karto biyaha deegaanada Saylac iyo Lughaya ee Waqooyiga Soomaaliya.
Dhoolatus Milateri oo uu hogaaminayo Mareykanka oo loogu magac daray “Justified Accord” ayaa maanta oo Isniin ah ka furmaya dalka Kenya, iyadoo in ka badan 20 dowladood ay ka qeyb qaadanayaan, taasoo ah dhacdadii ugu ballaarneyd ee nooceeda ah oo ka dhacda Bariga Afrika.
Dhoolatuskan oo socon doona muddo 11 maalmood ah, oo soo dhammaan doona Khamiista soo socota, ayaa looga golleeyahay in lagu kordhiyo diyaargarowga dalalka ka qeyb qaadanaya howlgallada nabad ilaalinta, wax ka qabashada dhibaatooyinka iyo gargaarka bini’aadantinimo, sida ay sheegeen warbaahinta dowladda ee SNTV iyo warbaahinta Kenya.
Tobaneeyo ka tirsan ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee uu Mareykanku tababaray ayaa ka qeyb qaadan doona dhoolatuskan, kaasoo mareegaha wararka sida gaarka ah loo leeyahay ee Kenyas.co.ke uu sheegay in ay isugu imaanayaan 1,000 askari iyo cutubyo ka kala socda 23 dowladood.
Wasiirro ay ka mid yihiin Warfaafinta iyo Arrimaha Dibadda Cusmaan Saalax ayaa ka mid ah wafdiga Madaxweyne Afwerki ee booqashada ku jooga dalka Masar, waxayna madaxda dalkaas kala hadli doonaan arrimaha labada dal, kuwa caalamka iyo gobolka intaba.
Madaxweynaha Masar ayaa bishii hore wasiirkiisa arrimaha dibadda Asseed Sameh Shukri u diray dalka Eritrea, xiligaas ayaa casuumaada Masar la gaarsiiyey Madaxweyna Eritrea Afwerki, waxayna maalmahaan ka hadli doonaan dagaalka sokeeye ee Suudaan, xaaladda Badda Cas iyo Geeska Afrika.
Saxiixa heshiiska dekedaha ee Itoobiya iyo Somaliland ee bishii January, ayaa xiisad diblomaasiyadeed ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya iyo guud ahaan gobolka, arrintaan si weyn ayey maanta u gorfeeyeen labada Madaxweyne ee Masar iyo Eritrea.
Warar laga baahiyey kulankii maanta ayaa xaqiijinaya in labada dal ay isku raaceen in si buuxda Soomaaliya loogu garab istaago ilaalinta madax-banaanida iyo wadajirkeeda dhuleed, waxayna ku balameen in Soomaaliya dhinac kasta uu u fidiyo garabka ay uga baahato.
Ukraine ayaa sheegtay inay soo ridday diyaarad militari oo Ruushku leeyahay oo ah nooca A-50, taasoo ah tii labaad oo ay sheegato in muddo bil gudaheed ah ay soo riddy.
Diyaaradda ayaa lagu soo riday inta u dhaxaysa magaalooyinka Ruushka ee Rostov-on-Don iyo Krasnodar,meel 200km (124 mayl) u jirta jiidda hore, sida ay sheegeen ilo-wareedyo militariga Ukraine ka tirsan.
Ciidamada gurmadka deg degga ah ayaa lagu soo warramayaa in ay degmada Kanevskoy ka heleen haraaga diyaaradda ayna damiyeen dab xooggan oo ka dhashay burburka.
Ruushka ayaan ka hadlin sheegashadaas. Maanta ayay ku beegan tahay laba sano markii uu Ruushku bilaabay duullaanka buuxa.
Turkiga ayaa ka mid ah saaxiibada dowlada Soomaaliya dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay kaas oo soo bilowday sanadkii -kii 2010-kii ka dib gurmadii Turkigu u soo gurmaday dad Soomaaliyeed oo abaar adag ku dhufatay.
Wuxuu Turkigu Soomaaliya ka caawiyaa dhanka ciidamada iyo kaalmo dhaqaale oo uu ku kabo miisaanaayida dowladda iyo heshiisyo iskaashi amaan oo uu ugu dambayey kii ay la saxiixdeen dowladda kaas oo ay ku ilaalinayaan xeebaha Soomaaliya.
Laakiin waxaa jirta taariikh soo jireen ah oo qarniyo ku fac ah oo ka dhaxaysa Turkiga iyo Soomaalida, taas oo u kala qaybsan labo qaybood oo joogitaan ah.
Boqortooyadii Cismaaniyiinta ee ka talin jirtay qaybo badan oo ka mid ah caalamka ayaa saamayn ku lahayd xeebaha Soomaaliya qarnigii 16-aad.
Axmed Ibraahim Cawaale oo bare ka ah jaamacada Hargeysa isla markaana ah qoraa xaga taariikhda ah ayaa BBC-da u sheegay in qarniyadii 16-aad ilaa 19- boqortooyadii Cismaaniyiinta ee Turkigu ay joogitaan ku lahayd xeebaha Soomaalida, badda cas iyo Khaliijka Cadmeed.
Si la mid ah Cismaaniyiinta waxaa iyana xeebahaas kula loolamayeen quwado xiligaas u badnaa kuwa galbeedka oo ay ka mid ahaayeen, Ingrisiiska, Burtaqiiska iyo Itoobiyaanka.
‘‘Ilaa qarnigii 19-aad waa si weyn loo dareemayey maamulkiisa Turkiga, wuxuuna lahaa joogitaan muuqda laakiin sanadihii 1873-kii ilaa 1884-lkii ayuu Turkigu raad muuqda ku yeeshay xeebaha Soomaaliya” ayuu BBC u sheegay taariikhyahan Axmed Ibraahim.
Dowladdii Masar oo qayb ka ahayd Boqortooyadii Cismaaniyiinta ayaa xiligaas si weyn u dareentay loolanka loogu jiray badda cas iyagoo soo nooleeyey Turkiga oo sheegan jiray badda cas.
‘‘Dowladii Ismaaciil Al-Khadawi oo ka talin jirtay Masar ayaa ogolaansho uga qaadatay dowladii Cismaaniyiinta si ay u qabsadaan xeebaha Soomaalida, laakiin heshiiska ayaa ku ekaa Seylac. Masaariduna waxay bixinayeen sanad kasta sideed iyo toban kun oo ganni. oo ay siinayaan Boqortooyada Cismaaniyiinta si ay u joogaan Seylac iyo xeebaha kale ” ayuu yiri Axmed Ibraahim.
Waxaa xusid mudan in ay Masaaridu xiligaas ahayd dowlad si qayb uga ahayd Boqortoodayada Cismaaniyiinta, haddana si uga yara madaxbananayd laakiin howlaha ay ka qabteen badda cas iyo xeebaha Soomaalida ayaa ah qayb loo tiriyo inay ka danbeeyeen boqortooyadii Cismaaniyiinta ee Turkiga.
Raadadka Cismaaniyiinta ee ka muuqda Saylac iy Berber
Sida uu BBC-da u sheegay taariikhyahan Axmed Ibraahim, raadadka ugu badan ee wali muuqda ee ay ka tageen Cismaaniyiintu waxay inta badan ka muuqdaan Berbera.
‘‘Waxaa ugu horeeyey ay soo kordhiyeen waxay ahayd nidaam canshuur uruurin ah, ka hor inta aysan dekedaha imaan waxaa canshuuraha lagu qaadi jiray nidaam qabaa’ileed. Waxayna dajiyeen nidaam canshuureed, waxaa kale oo la oran karaa waxay adeegsan jireen gacan bir ah, mararka qaarna dadkii xeebaha joogay ay ka cowdeen” ayuu intaas raaciyey Axmed.
‘‘Sidoo kale waxay sameeyeen kaabayaal muhim ah oo ay ka hirgaliyeen Berbera, sida dekad yar oo ilaa hadda la isticmaalo, masaajidka la yiraahdo kan Turkiga, Noobiyad (musawac), xabsi, iyo isbitaal, waxaa kale oo xusid mudan mashruuca biyaha ee Berbera” ayuu yiri Axmed.
Magaalada Bulloxaar waxay si lamid ah ka dhiseen mashaariic kala duwan xeryo ciidan, dekad iyo noobiyad yar.
Sida la mid ah Berbera iyo Bulaxaar, Boqortooyadii Cismaaniyiinta ee Masaarida ka qayb ahaayeen waxay goobo muhima ka dhiseen degamada taariikhiga ah ee Seylac.
Dhismayaasha ay ka hirgaliyeen Seylac waxaa ka mid ah, dekad, Noobiyad yar iyo mashruuca milixa oo ah mid aqoon weyn iyo farsamo ay galiyeen habka loo soo saaro milixda deeganka Tokhoshi oo u dhow Saylac.
Muhiimadda Turkiga ee Soomaaliya ayaa xilligaas ahayd in gargaar bani’aaannimo uu gaarsiiyo dadka ay saameysay abaarta, oo ahayd tii ugu ba’neyd ee soo marta Soomaaliya muddo 60 sano ah.
Si ay u fududaato gargaarka la gaarsiinayo dadkaas, wuxuu Turkigu bilaabay inuu mashaariic waddooyin iyo kaabayaal kale ka hirgeliyo dalka, iyadoo safaaradda Turkigana laga furay Muqdisho.
“Xiriirka labada dal wuxuu so billowday sanadkii 2011 ka dib booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Erdogan, halkaas waxaa ka billowday xiriir dhowr weji leh oo iskaashi dhanka horumarka, bani’aadannimada iyo baayac-mushtarka, dhaqaalaha,” ayuu yiri Cabdiweli Sayid oo falanqeeya arrimaha xiriirka caalamiha ah.
Wuxuu intaas ku daray in dowladda Turkiga ay waayadii dambe qeyb weyn ka ahayd dhisidda hay’adaha dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, ciidanka dolwadda.
“Sidaan ka war qabno Turkiga waxay Muqdisho ku leeyihiin saldhig weyn oo lagu tababaro ciidanka Soomaaliya ee qeybta weyn ka ah sugidda amniga dalka. Marka waa xirir dhinacyo badan leh, Tukriga iyo Soomaaliyana la dhihi karo wax badan ayay ku kala faa’iideen”.
Iyadoo Soomaaliya ay caawinaad badan ka hesho Turkiga, faa’iidana ay ku qabto, waxaa isna dhankiisa Soomaaliya faa’iido ku qaba Turkiga.
“Soomaaliya waa dal ku yaalla Geeska Afrika, kuna yaalla mandiqad istaraatiiji ah, isla markaasna qeyb ka noqon kara danaha Turkiga, siyaasadda arrimaha dibadda ee Turkiga ee sii xoogeysaneysay tan iyo intii xisbiga talada haya ee dalka uu yimid.
“Soomaaliya waa dal muhiim ah. Dalal fara badan oo aan Turkiga ahayn baana jooga. Turkiga wuxuu uga duwan yahay in Soomaalida iyo Turkigu ay danahooda qaranka ay is waafaqayaan oo ay wax kala faa’iidi karaan. Halka laga yaabo in dalal fara badan oo Soomaaliya daneeya ay iska hor imaanayaan danaha qaranka ee Soomaalida, taasoo khatar ku ah dib u dhiska Soomaaliya,”