Home Blog Page 628

Axmed Madoobe oo xabsi guri ka dhigay Musharaxiintii ugu cad-cadeyd garabka isbedel doonka

Axmed Madoobe1

Magaalada Kismaayo oo habeenkii labaad uu bandaw ka dhaqan galay ayaa ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland waxaa caawa la dul dhigay guryo ay magaalada Kismaayo ka daganyihiin qaar ka mid ah musharaxiinta is badadal doonka ah.

Ciidamo la sheegay in si toos ah uga amar qaataan musharax Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa caawa isku wareejiyey labo guri oo ay kala deganyihiin musharaxiinta kala ah Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid Xidig.

Mid ka mid ah labadaas musharax ee guryahooda ay isku gedaameen ciidamadu ayaa waxa uu gurigiisu ku dhex yaalaa hoolka loogu tala galay in bari lagu qabto doorashada garabka is bedel doonka oo ay ku mideysanyihiin qaar kamid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweyne ee maamulka Jubbaland.

Qaar ka mid Xildhibanada garab isbadaldoonka ee ka dhisan magaalada Kismaayo ayaa xaqiijiyay in labadaas musharax guryahooda la dul dhigay ciidamo aad u badan, isla markaana lagu war galiyay inaysan guryahooda kasoo bixi karin.

22-ka bishan oo ku beegan bari oo khamiis ah ayaa labada garab ee ku loolamaysa doorashada Kismaayo, mid walbaa gaarkiisa u sheegay inuu doorashadiisa qabsan doono.

Saacado kooban ayaa ka dhiman waqtigii garab walba uu sheegay inuu qabsanayo doorashadiisa, waxaana la saadaali karin sida uu xaal noqon doono.

Al-Shabaab oo jab xoogan lagu gaarsiiyey degmada Qoryooley

alshabab somalia

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in xalay rag ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen gudaha degmada Qoryooley ee gobolkaasi.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyey ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo dagaalyahannadii weerarka soo qaaday.

Taliyaha amniga Qoryooley Cali Maxamed Aadan (Cali Waal) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in jab xoogan iyo khasaaro ay ku gaarsiiyeen Al-Shabaab dagaalkaasi.

Cali Waal ayaa tilmaamay in ay dileen illaa afar ka mid ah Al-Shabaab, kuwaas oo xusay inay soo weerareen koontarool ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalkaasi uu ku dhintay hal qof oo rayid ahaa, dhankoodana uu uga dhaawacmay hal askari, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Milatariga ee dowladda federaalka Soomaaliya.

James Swan oo ka digay doorasho aan loo dhamayn oo Jubaland ka dhacda

doorashada jubaland

Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa mar kale maanta khudbad uu u jeediyey golaha ammaanka kaga hadlay xaaladda doorashada Jubaland.

James Swan ayaa ku celiyey inay boorinayaan hanaan doorasho oo mid ah islamarkaana la isku raacsan yahay oo ka dhaca Jubaland.

Waxa uu ka digay in haddii aan taas la helin oo lagu loolamo natiijada doorashada ay jiri karto halis xooggan oo ah xasilooni darro ka dhacda Jubaland.

“QM iyo saaxiibada caalamka waxay dhammaan dhinacyada ku booriyeen inay sameeyaan isu tanaasul iskuna raacaan waddo horey loo qaado, balse nasiib darro waqtiga ayaa aad u gaaban” ayuu James Swan u sheegay golaha ammaanka.

James Swan ayaa ka digay in xasilooni darro ka dhacda Jubaland aysan halis gelin doonin oo kaliya maamulkaas, balse ay saameyn doonto arrimo badan oo muhiim u ah Soomaaliya, sida doorashooyinka 2020, iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Wax kasta oo ay noqotaba natiijada doorashada madaxweynaha Jubaland ee berri, waxaan ka codsanayaa dhamaman dhinacyada ku lugta leh inay is-xakameeyaan, kana reebtoonaadaan rabshado, oo walaacyada ay qabaan ay ku xaliyaan wada-hadal” ayuu yiri James Swan.

Hadalka James Swan ayaa u muuqda mid uu doonayo in xitaa haddii ay dhacdo in dib loo doorto Axmed Madoobe, sida al filayo, in xiisadda Jubaland ay dowladda iyo Axmed Madoobe ku dhameeyaan wada-hadal.

Odayaasha SSC oo DFS, Puntland iyo Beesha Caalamka ku eedeeyey inay ka aamunsan yihiin dilka Maamulka Muuse Biixi wado

lasanod

Odayaasha Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa Dawladda Federalka Soomaaliya, Puntland iyo Beesha Caalamka ku eedeeyey inay indhaha ka qarsanayaan kana aamunsan yihiin dilka iyo tacadiyada ay xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ka wado Degaamada SSC.

Odayaasha ayaa sheegay in dad shacab oo aan hubeysnay loo adeegsaday qoryaha lidka diyaaradaha.

Odayaasha ayaa Dawladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ka codsaday in la soo farageliyo.

Nin mayd ah oo Ciidamadu dileen ayaa maalintii 3aad yaalla, mana la aasayo.

Rasaas iyo Mudaharaadyo ka socda Magaalada Laascaanood

banaanbax laascaanood

Mudaharaadyo waaweyn ayaa ka bilowday Magaalada Laascaanood, kuwaas oo hadda isu bedelay rabshado.

Ciidamada Melateriga oo ku gaashaan baabuurta dagaalka ayaa hadda magaalada gudaheeda galay, iyagoo ridaya qoryaha waaweyn ee ka dhaca baabuurta tiknikadda loo yaqaano.

Magaalada Laascaanood waxaa maalintii 3aad yaala meydka nin shacab ah oo ciidamadu dileen, kaas oo beeshiisu diiday in la aaso, ilaa la keenayo askarigii toogtay.

Qaar ka mid shacabka magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in loo adeegsanayo hubka culus, balse ilaa hadda lama sheegin wax khasaare ah nafeeda oo ay ciidamadu geysteen.

Suudaan: Ciidanka iyo shacabka oo dhisay gole madaxbannaan

banaanbax sudan

Hoggaamiyeyaasha milatariga Suudaan iyo isbahaysiga mucaaradka ayaa dhisay gole madaxbannaan oo hoggaamiya dalka muddo saddex sano ah oo kala guur ah, si xukunka loogu celiyo xukuumad rayid ah.

Golahan ayaa ka kooban lix ruux oo shacab ah iyo shan sarkaal oo milatariga ka tirsan, waxaana marka hore hoggaanka u qaban doono Sarreeye Guud Cabdulfatax Cabdulraxman Burhan.

Hoggaamiyihii Suudaan ayuu xukunka kala wareegay ka dib markii xilka xoog looga tuuray madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir.

Golahan ayaa la dhaarin doonaa subaxa Arbacada.

Isla Arbacada galinkeeda dambe ayaana la filayaa in la dhaariyo ra’iisulwasaare.

Tallaabadan u dambaysay waxaa ku dhawaaqay afhayeenka Golaha Millatariga ee ku meelgaarka ah.

Gudigan ku meelgaarka ah ayaa taladalii kala wareegay Al Bashiir bishii Abriil. Intaas dabadeedna Suudaan waxaa ka dhacay mudaaharaadyo dimuqraadiyad lagu dalbanayo iyo hawlgallo ammaan.

Maxaa socda?

Gudiga milatariga ah ee Suudaan iyo isbahaysi mucaaradka ee shacabka ah ayaa maalmo ka hor sixiixay heshiis awood qaybsi ah.

Heshiiskaas waxaa ka mid ahaa in la sameeyo gole madaxbannaan, isla markaasna uu wareegto noqdo hogaanka golahaas muddada saddexda sano ah ee uu shaqayn doono.

Waxaa loo qaabeeyay in uu waddada u xaaro doorasho iyo xukuumad rayid ah.

Jeneraal Maxamed Hamdan “Hemeti” Dagolo oo loo arko ninka ugu awoodda badan Suudaan ayaa ku dhawaaqay in uu u hoggaansami doono shuruudaha heshiiskaas ku jira.

Kismaayo: Xiisad ka dhex taagan ciidamada Kenya iyo Itoobiya ee gudaha magaalada ku sugan

ethiopian army

Wararka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya in ay sii xoogeysatay xiisada u dhexeysa ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ee ka taagan gudaha magaaladaasi.

Xiisadan ayaa ka dhalatay, kadib markii uu shalay fashilmay qorshe ay ciidamada Itoobiya ku degi lahaayeen garoonka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya ciidamadaasi haatan laga dareemayo gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay ka cabsi qabaan in dagaal culus uu ka qarxo halkaasi.

Dhanka kale wafdi uu hoggaaminayo taliyaha guud ee ciidamada Midowga Africa ee AMISOM Tigabu Yilma oo u dhashay Itoobiya ayaa saacadaha soo scoda ku wajahan magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG dowlad goboleedka Jubbaland.

Taliyaha ayaa la sheegay inuu farogelin doono xiisada ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya oo ka wada tirsan howlgalka AMISOM, si xal looga gaaro.

Sidoo kale wuxuu kala hadli doono saraakiisha Kenya iyo kuwa Jubbaland in loo ogolaado in Kismaayo ay ka degto diyaarad u socota ciidamada Itoobiya, taas oo la sheegay ay saaran yihiin askar Kumaandoos ah oo ka socda dalka Itoobiya

Dhaq dhaqaaqyadan ciidan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Khamiista soo socota la filayo in ay dhacdo doorashada madaxaweynaha maamulka Jubbaland.

Jubaland oo xirtay dhammaan meelaha laga soo gali karo magaalada Kismaayo

Axmed Madoobe1

Bayaan goordhaweyd ka soo baxay maamulka Jubaalnd ayaa lagu sheegay in la xiray dhamaan goobaha laga soo galo magaalada Kismayo ee cir, dhul iyo badba.

Go’aankan ayaa imaneysa xilli maalinta Khamiista lagu wado inay doorashada madaxtinnimada maamulkaasi ay ka dhacdo magaalada Kismayo, iyadoo wali uu taagan yahay khilaaf balaaran oo keenay in kooxaha mucaaradku ay iyana ku dhawaaqaan in isla maalintaas ay dooranayaan madaxweyne.

Maamulka Jubaland ayaa sidoo kale waxay shalay hawada Magaalada Kismaayo ka celiyeen diyaarad la sheegay inay leeyihiin miletariga Itoobiya, taas oo loo diiday inay ka dagto garoonka Magaalada.

War-saxaafadeed uu soo saaray maamulka Jubbaland oo ku muddeysnaa 18-kii bishan Agoosto ayaa lagu qeexay in guddiga doorashada ee maamul goboleedkaas ay howsha doorashada madaxweynaha ku wareejiyeen guddoonka cusub ee baarlamaanka dhawaan lagu dhisay magaalada Kismaayo.

War saxaafadeedka lagu qeexay arrintan ayaa u qornaa sidan:

Kulan ay isugu yimaaddeen guddoonka cusub ee baarlamaanka 2aad ee Dawlad Goboleedka Jubaland iyo Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland Taariikhdu markey ahayd 18.08.2019

Kulankan ayaa labada dhinac isku xog wareysteen isla markaana ay aad u falangeeyeen arimaha xariira doorashooyinka, hawiaha soo qabsoomay iyo caqabadaha jira ee u baahan in si wadaj ir ah looga gudbo iyadoo la xeerinayo danta shacabka Jubaland_Guddoonka cusub ee Baarlamaanka 2aad ee Jubaland iyo guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland ayaa isku waafaqay in guddiga Madaxa Banaan ee Xaduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland ay sida ku cad beer lambar 7, Qodobkiisa 14aad, Farqadiisa (J) ay guddigu xaq u Ieeyihiin iney maamulaan doorashada Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Dawladaha hoose.

Guddiga Doorashooyinka iyo Guddoonka cusub ee Baarlamaanku iyadoo tixgalinaya soo jeedinta beesha Caalarnka co ahayd inuu muutido doorka baarlarnaanka ee qabashada doorashada Madaxweynaha co dhaceysa Khamiis. 22/08/2019,

Sidaa daraateed ayada oo aan waxbo laga badaleynin habraacyadi iyo Jadwalka Doorashada , Guddoonka cusub ee Baarlamaanka 2aad ee Jubbaland iyo Guddiga

Doorashooyinka waxey isku waafaqeen in Baarlamaanka lagu wareejiyo hoggaaminta doorashada Madaxweynaha iyadoo guddiga Madaxa banaan ee Xaduudaha iyo

Doorashooyinkuna kala shaqeeyaan dhinaca farsamada iyo hawlaha kale ee looga maarmi waayo.

Guddi kale oo doorasho oo magaalada Kismaayo looga dhawaaqay

calanka jubbaland

Baarlamaanka Jubbaland, gaar ahaan garabka la magac baxay bad-baadada Jubbaland, ayaa maanta ku dhawaaqay guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Sidoo kale baarlamaanka maanta magacaabay guddiga doorashada, ayaa waxay soo saareen habraaca doorashada madaxweynaha Jubbaland, oo ay sheegeen in la qabanayo 22-ka bishan.

Xubnaha guddiga la magacaabay ayaa ka kooban 13 qof, dhaamaantoodna waa xildhibaanada garabka ay ku dhawaaqeen musharaxiin is-baheysatay oo kasoo hor jeeda, hanaanka loo wado doorashada maamulkaas.

Mudaharaadyo caawa ka bilowday Magaalada Laascaanood

war deg deg

Mudaharaad xoogan ayaa caawa fiidnimadii ka bilowday Magaalada Laascaanood ee Caasimadda Gobolka Sool.

Shacabka Banaanbaxa sameynayey ayaa waxay aad uga xumaadeen dad shacab ah oo ciidamadda Booliiska Somaliland dileen oo meydkiisii maalintii sadexaad uu yaalo oo la diiday in la aaso ilaa cidii dishay la keeno oo lala dilo.

Xaaladda Magaalada Laascaanood ayaa aad u kacsan, waxaana sii kala fogaanaya shacabka iyo maamulka Somaliland.

Wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan inuu mudaharaadkii sii qaboobaye.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY