Al-Shabaab oo jab xoogan lagu gaarsiiyey degmada Qoryooley

alshabab somalia

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in xalay rag ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen gudaha degmada Qoryooley ee gobolkaasi.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyey ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo dagaalyahannadii weerarka soo qaaday.

Taliyaha amniga Qoryooley Cali Maxamed Aadan (Cali Waal) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in jab xoogan iyo khasaaro ay ku gaarsiiyeen Al-Shabaab dagaalkaasi.

Cali Waal ayaa tilmaamay in ay dileen illaa afar ka mid ah Al-Shabaab, kuwaas oo xusay inay soo weerareen koontarool ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalkaasi uu ku dhintay hal qof oo rayid ahaa, dhankoodana uu uga dhaawacmay hal askari, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Milatariga ee dowladda federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here