Jubaland oo xirtay dhammaan meelaha laga soo gali karo magaalada Kismaayo

Axmed Madoobe1

Bayaan goordhaweyd ka soo baxay maamulka Jubaalnd ayaa lagu sheegay in la xiray dhamaan goobaha laga soo galo magaalada Kismayo ee cir, dhul iyo badba.

Go’aankan ayaa imaneysa xilli maalinta Khamiista lagu wado inay doorashada madaxtinnimada maamulkaasi ay ka dhacdo magaalada Kismayo, iyadoo wali uu taagan yahay khilaaf balaaran oo keenay in kooxaha mucaaradku ay iyana ku dhawaaqaan in isla maalintaas ay dooranayaan madaxweyne.

Maamulka Jubaland ayaa sidoo kale waxay shalay hawada Magaalada Kismaayo ka celiyeen diyaarad la sheegay inay leeyihiin miletariga Itoobiya, taas oo loo diiday inay ka dagto garoonka Magaalada.

War-saxaafadeed uu soo saaray maamulka Jubbaland oo ku muddeysnaa 18-kii bishan Agoosto ayaa lagu qeexay in guddiga doorashada ee maamul goboleedkaas ay howsha doorashada madaxweynaha ku wareejiyeen guddoonka cusub ee baarlamaanka dhawaan lagu dhisay magaalada Kismaayo.

War saxaafadeedka lagu qeexay arrintan ayaa u qornaa sidan:

Kulan ay isugu yimaaddeen guddoonka cusub ee baarlamaanka 2aad ee Dawlad Goboleedka Jubaland iyo Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland Taariikhdu markey ahayd 18.08.2019

Kulankan ayaa labada dhinac isku xog wareysteen isla markaana ay aad u falangeeyeen arimaha xariira doorashooyinka, hawiaha soo qabsoomay iyo caqabadaha jira ee u baahan in si wadaj ir ah looga gudbo iyadoo la xeerinayo danta shacabka Jubaland_Guddoonka cusub ee Baarlamaanka 2aad ee Jubaland iyo guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland ayaa isku waafaqay in guddiga Madaxa Banaan ee Xaduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland ay sida ku cad beer lambar 7, Qodobkiisa 14aad, Farqadiisa (J) ay guddigu xaq u Ieeyihiin iney maamulaan doorashada Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Dawladaha hoose.

Guddiga Doorashooyinka iyo Guddoonka cusub ee Baarlamaanku iyadoo tixgalinaya soo jeedinta beesha Caalarnka co ahayd inuu muutido doorka baarlarnaanka ee qabashada doorashada Madaxweynaha co dhaceysa Khamiis. 22/08/2019,

Sidaa daraateed ayada oo aan waxbo laga badaleynin habraacyadi iyo Jadwalka Doorashada , Guddoonka cusub ee Baarlamaanka 2aad ee Jubbaland iyo Guddiga

Doorashooyinka waxey isku waafaqeen in Baarlamaanka lagu wareejiyo hoggaaminta doorashada Madaxweynaha iyadoo guddiga Madaxa banaan ee Xaduudaha iyo

Doorashooyinkuna kala shaqeeyaan dhinaca farsamada iyo hawlaha kale ee looga maarmi waayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here