James Swan oo ka digay doorasho aan loo dhamayn oo Jubaland ka dhacda

doorashada jubaland

Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa mar kale maanta khudbad uu u jeediyey golaha ammaanka kaga hadlay xaaladda doorashada Jubaland.

James Swan ayaa ku celiyey inay boorinayaan hanaan doorasho oo mid ah islamarkaana la isku raacsan yahay oo ka dhaca Jubaland.

Waxa uu ka digay in haddii aan taas la helin oo lagu loolamo natiijada doorashada ay jiri karto halis xooggan oo ah xasilooni darro ka dhacda Jubaland.

“QM iyo saaxiibada caalamka waxay dhammaan dhinacyada ku booriyeen inay sameeyaan isu tanaasul iskuna raacaan waddo horey loo qaado, balse nasiib darro waqtiga ayaa aad u gaaban” ayuu James Swan u sheegay golaha ammaanka.

James Swan ayaa ka digay in xasilooni darro ka dhacda Jubaland aysan halis gelin doonin oo kaliya maamulkaas, balse ay saameyn doonto arrimo badan oo muhiim u ah Soomaaliya, sida doorashooyinka 2020, iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Wax kasta oo ay noqotaba natiijada doorashada madaxweynaha Jubaland ee berri, waxaan ka codsanayaa dhamaman dhinacyada ku lugta leh inay is-xakameeyaan, kana reebtoonaadaan rabshado, oo walaacyada ay qabaan ay ku xaliyaan wada-hadal” ayuu yiri James Swan.

Hadalka James Swan ayaa u muuqda mid uu doonayo in xitaa haddii ay dhacdo in dib loo doorto Axmed Madoobe, sida al filayo, in xiisadda Jubaland ay dowladda iyo Axmed Madoobe ku dhameeyaan wada-hadal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here