Home Blog Page 635

Daawo Qaar ka mid ah Beelaha Gobolka Sool oo ka hadlay Maamulxumadda ka jirta

lasanod

Beesha Ugaadhyahan oo ka mid ah Beelaha dega Gobolka Sool ayaa ka hadlay Xaamulxumo baahsan Gobolkaas ka jirta, iyagoo rajo xumo ka muujiyey in Xukuumadda Somaliland wax ka qabato.

DAAWO:

Sawiro RW Kheyre oo la kulmay wefti sare oo Mareykanka ka socda

david hale Iyo Khayre2

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay ku-xigeenka Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda, David Hale oo Muqdisho soo gaaray

Kulanka ay wada qaateen Ra’iisul Wasaaraha iyo ku-xigeenka Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda ayaa looga hadlay deyn cafinta, la dagaallanka argagaxisa iyo dhismaha ciimadamada qaranka Soomaaliyeed.

David Hale oo dowladda ku ammaanay dadaallada horumainta dalka ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre uga mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo ku-xigeenka Xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda ayaa kulankooda sidoo kale iskula soo hadal qaaday kaalinta Mareynkanka uu ka gaysanayo dadaallada dib-u-kabashada qaranka Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa waxaa ka dhexeeya xariir qota dheer oo soo jireen ah oo ku dhisan horumarinta danaha labada dal iyo labada shacab.

Taliyaha Itoobiyaanka ah ee Amisom iyo ciidamo uu wato oo Kismaayo tegay

amisom Jen Tigabu Yilma

Taliyaha guud ee ciidamada Midowga Africa ee AMISOM Tigabu Yilma ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Tigabu Yilma oo wata ciidamo gaar ah ayaa ka dagay barqanimadii maanta gudaha garoonka diyaaradaha Kismaayo, iyadoona halkaasi si weyn loogu soo dhoweeyey.

Taliyaha oo hoggaaminayo saraakiil kale ayaa loo galbiyey gudaha magaalada, iyagoo haatan kulan xasaasi ah la qaadanaya madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Kulankan oo saxaafadda ay dibad joog ka tahay ayaa lagu soo warramayaa in looga hadlayo arrimaha doorashada, gaar ahaan sidii ay AMISOM ula wareegi laheyd amniga magaallo Xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale wafdigan ayaa kulamo la qaadan doono guddiga doorashooyinka Jubbaland iyo musharraxiinta u taagan hoggaanka maamulkaasi.

Dhowaan ayaa la filayaa in la qabto doorashada, iyadoo weli ay taagan yihiin cabaqado waa weyn oo u baahan in xal laga gaaro, ka hor doorashadaasi.

Ra’iisul wasaare Khayre oo kormeeray ciidan tababar loo soo xiray

ciidamo somalia

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kormeer dhiirri-gelin iyo dardaaran ah ugu tegay ciidamo tababar loogu soo xiray xerada Gen. Goordan ee magaalada Muqdisho.

Ciidankan oo sida la sheegay loo diyaariyay in ay qaadan hawlgallo ka dhan ah Al-shabaab ayaa Ra’iisul wasaaruhu u ballan-qaaday in ay heli doonaan xuquuqdooda oo dhammaystiran waxaana uu kula dardaarmay in ay ka soo baxaan waajibaadkooda ciidanimo.

Xerada Gen. Gordan ee lagu tababay ciidankan cusub waxaa horay uga qalin jebiyay dufcado ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ka qayb qaatay howl gallo Al-shabaab looga saarayo degaannada ay kaga sugan yihiin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

2 nin oo dilalka iyo qaraxyada ka geysan jiray magaalada Muqdisho oo la toogtay

canshuur cusmaan abuukar iyo maxamed cali boorow aadan

Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ayaa Saakay dil toogasho ku fulisay labo nin oo horay uga tirsanaa Kooxda Al Shabaab.

Raggan ayaa dilal iyo qaraxyo ka geystay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ku dhinteen dad badan oo Soomaaliyeed.

Horay ayaa Xukuno dil ah ugu soo rideen heerarka Kala duwan ee Maxkamadaha Ciidanka Qalabka sida balse Saaka Aroortii hore ayaa lagu toogtay Fagaaraha Cadaalada ee Toogashadu ka dhacdo ee Muqdisho.

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa May 20, 2019-ka Xukun Dil ah ku riday Labadan ka tirsan xoogaga Al-Shabaab oo racfaan ka soo qaatay xukunkii Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee ahaa dilka toogashada.

Halkan ka akhriso:

Taariikhdu Markay ahayd 13/03/2019, waxay Maxkamada Da’1aad  Ciidamada Qalabka Sida u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaal:-Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) ina Faadumo Aadan Cismaan 23jir ah ku dhashay Sh/dhexe. Max’ed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) ina Xaawo Cawil Mursal 25 jir ah ku dhashay Bay , kuwaas oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sidakusoo  eedeeyay  Dembiyada kala ah ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis), Dil bareer ah iyo Xasuuq dad shacab ah, eedaysanayaasha waxaa lagu eedeeyay inay fuliyeen falalka soo socda:-

15/08/2017, waxay weerar ku qaadeen gaari ay saarnaayeen hal Qoys waxaana ku geeriyooday Marxuum Maxamed Xasan Cabdi Cawad.

27/09/2017 isgoyska Via Roma ee Degmada X/wayne, waxay mar kale ku weerareen gaari ay saarnaayeen 2da Marxuum ee kala ah 1) Marxuumad Canab C/laahi Xaashi oo ahayd Xoghayihii Guud ee Ururka Haweenka Qaranka 2)Marxuum Axmed Jaamac Xirsi, weerarkaasoo sababay geerida labada marxuum.

09/11/2018, waxay qayb ka ahaayeen weerarkii lagu qaaday Hotel Sahafi, weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen  32 ruux.

Sidoo kale 22/12/2018 waxay ahaayeen abaabulayaashii labadi qarax ee ka dhacay  Tiyaatarka Qaranka iyo Daljirka Dahsoon, oo ay   kugeeriyoodeen 27ruux .

Taariikhdu ahayd  20/03/2019  waxey  maxkamada ciidamada qalabka sida ku  Xukuntay Dil toogasho ah.

Labada xukunsane ayaa Xukunka Maxkamadda Racfaan ka qaatay 06/04/2019.

Maxakamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ayaa markale Dil ku xukuntay 04/05/2019.

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 05/08/2019 waxaa lagu fuliyay Xukukii dilka ahaa.

Ciidamada DF oo deegaano cusub la wareegay iyo saraakiil Shabaab ah oo la laayey

danab kumandoos

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa saakay deegaanno hoos taga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay waxa ay ku dileen saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada isgarabsanaya oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa sheegay in ay Al-shabaab kala wareegeen Tuulo lagu magacaabo Buulo-Jebi iyo tuulooyin kale, kuwaas oo horay ay u maamuli jireen Al-Shabaab.

Xiliga ay ciidamada dowladdu weerarka ku qaadeen ayaa waxaa la sheegay in dagaalamayaasha Al-shabaab lacago iyo xoolo ay ugu yeereen sakawaad ka qaadayeen dadka shacabka ah ee ku nool deegaanadaas oo u badan xoolo dhaqatto.

Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku dileen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab oo ay ku jiraan madixii amniyaadka iyo madaxii sakawaadka oo Al-shabaab u qaabilsanaay deegaanada saakay lagu weeraray.

Saraakiisha hoggamineysa ciidanka xoogga dalka ee saakay la wareegay deegaanadaas ayaa dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada waxay ka dalbadeen inay la shaqeeyaan ciidamada dowladda, iyagoo u balan qaaday inaysan dib uga laaba doonin deegaanada ay ka saareen gacanta Al-shabaab.

Madaxweyne Erdogan oo shaaciyay duulaan uu ku fulinayo gudaha Suuriya

madaxweyne erdogan

Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdogan, ayaa shaaciyay in dalkiisa uu qaadi doono hawlgal milateri oo ka dhan ah xooggaga Kurdiyiinta uu Maraykanka taageero ee ku sugan waqooyiga Suuriya.

Waxa uu sheegay in hawlgalka ay ku beegsan doonaan deegaannada ay ka taliso jabhadda YPG ee bariga webiga Furaat.

Turkiga ayaa marar hore duulaan xooggaan ku beegsaday xooggaga YPG ee ku sugan galbeedka webigaasi.

Xooggaga Kurdiyiinta ah ee YPG ayaa ka samaystay bariga webiga Furaat ee waqooyiga Suuriya dhul maamulkiisa ay u madax bannaan yihiin.

Dowrka muhiimka ah ee ay ka qaateen dagaalkii looga adkaaday ururka isku magacaabay dowladda Islaamka ayaa u sahlay dagaalyahannada YPG inay kasoo tallaabaan webiga ayna la wareegaan dhul ka tirsan Suuriya.

“Horay waxaan u galnay Cafriin, Jarablus, Al-Bab, haddana waxaan geli doonnaa bariga Furaat. Xogtaasi waxaan la wadaagnay Ruushka iyo weliba Maraykanka.” ayuu yiri Erdogan

Milateriga Turkiga ayaa marar hore fuliyay weerarro uu dagaalyahannada Kurdiyiinta ah uga saarayo deegaannadaasi, waxaana uu u arkaa YPG urur argagixiso oo la mid ah kan isku magacaabay dowladda Islaamka.

Balse arinta waxaa cakiray taageerrada uu Maraykanka siiyo Kurdiyiinta, gaar ahaan YPG.

Xilli Washington ay isu diyaarinayso inay dhinto hawlgalkeeda milateri ee Suuriya, ayaa waxa uu maamulka Trump ballanqaaday inuu gacan ka geysan doono samaynta aag ammaan ah oo dhaca xuduudda waqooyi bari ee ay Suuriya la leedahay Turkiga.

Xukuumadda Ankara ayaa u muuqata mid ku daashay ballanqaadka aan fulin ee Washington, duulaan ka dhan ah Kurdiyiinta oo ka dhaca bariga Furaat-na waxa uu dhalin karaa colaad ballaaran oo horleh.

Jabhada xoraynta Khaatumo oo sheegatay weerar lagu qaaday Saldhig ciidamada Somaliland ee Laascaanood

col faysal falaalug

Ciidamada Jabhada Xoraynta Khaatumo ee uu Hogaamiyo Col. Faysal Faalug ayaa xalay weerar ku qaaday fadhiisinka  Ciidamada Somaliland,  gaar ahaan Saldhiga buurta Sayidka Bariga magaalada laascaanood.

Taliyaha Qaybta Booliska  Gobolka Sool ee Somaliland  Axmed Cabdullaahi Ducaale  ayaa sheegay inuu tagay Goobta ay wax ka dhaceen, islamarkaana uu soo Arkay Rasaas ka dhacday Saddex Qori, Wuxuuna xusay inaanu jirin khasaare soo gaadhay  Ciidamada, Balse wuxuu xusay in lasoo qabtay dadka Arintaasi lagu Tuhmayo,

Dhinaca kale  Hogaamiyaha Jabhada Xoraynta Khaatumo Faysal Falaalug ayaa sheegay inay Khasaare kala duwan gaadhsiiyeen Ciidamada Somaliland, Islamarkaana ay Weerarkaasi Fuliyeen, Dhankoodana aanu soo gaadhin wax khasaare ah.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay Maqlayeen Hub Culus oo labada dhinac is dhaafsadeen,  waxaana jira khasaare kala duwan oo ka dhashay, Waxaana mid kamid ah dadka deegaanu uu xusay inuu arkay gaadiidka Gurmadka Caafimaadka oo qaaday dhaawacyo.

Toogasho aan kala sooc lahayn oo ka dhacday Mareykanka

police usa baltimore

Ugu yaraan labaatan qof ayaa ku dhimatay weerar toogasha ah oo ka dhacay goob dukamaaysi oo ku taal magaalada El Paso ee gobolka Texas, Maraykanka.

26 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka, kaasoo ahaa rasaas uu nin caddaan ah ku furay dad ka dukaamaysanayay dukaan ay leedahay shirkadda Walmart oo ay xilligaa dad badan ku sugnaayeen.

Ninka la tuhunsanayahay in uu toogashada fuliyay ayaa waxaa lagu tilmaamay in uu ahaa nin caddaan ah oo ku jira da’da labaatameeyada.

Ninka ayaa la xiray ka dib markii uu booliska goobtaasi ku sugnaa uu isu soo dhiibay, kaasi oo ay warbaahinta maxalliga ah magaciisa ku sheegeen Patrick Crusius.

Barasaabka gobolkaasi Greg Abbott oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu aad uga argagaxay waxa halkaa ka dhacay.

“Texas waxay maanta muraga la qeybsanaysaa shacabka El Paso. Maalin si caadi ah ay dadka usoo dukaamaysan lahaayeen ayaa isu bedeshay mid ka mid ah maalmaha uu dhiigga ugu badan ku daatay taariikhda Texas, Waxaa la laayay dad maanta noolaan ahaa. Waxaa weerarkaasi ku dhintay labaatan qof, halka tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen. Ka gobol ahaan, waxaan ka midaysanahay taageeridda dhibbanayaasha iyo qoysaskooda”, ayuu yiri barasaab Abbot.

Dhanka kale Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa falka weerarkaasi ku tilmaamay ”ficil fuleynimo ah”

”Waan ogahay in aan metelo qofkastaa oo ku sugan dalkan, waxaana maanta si xooggan u dhaleyceynayaa ficilkaan nacaybka ku saleysan. Ma jirto sababo ama marmarsiyo loo sameyn karo dil looo geystay dad aan waxba galabsan”, ayuu Trump ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Toogashada ka dhacday El Paso ayaa ah tii siddeedaad ee ugu dhimashada badneyd ee soo marta taariikhda Maraykanka, waxaana durbadiiba bilowday dood ku aaddan xakamaynta hubka ee dalkaasi.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo Aas Qaran Muqdisho loogu sameeyey

aaska yariisow

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kaga qayb galay salaaddii janaasada, Alle ha u naxariistee, guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow).

Diyaaraddii sidday marxuumkan ayaa markii ay soo caga dhigatay garoonka waxaa naxashka maydka la huwiyey Calanka jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana soo dejiyey Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan.

Madaxweynaha ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowso ka waraabiyo.

Intaas kaddib, Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ayaa marxuumka aas-qaran ugu sameeyey Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, iyadoona ay goob joog ka ahaayeen Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed iyo Mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Duubabka Dhaqanka, Ehelada Marxuumka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY