Madaxweyne Erdogan oo shaaciyay duulaan uu ku fulinayo gudaha Suuriya

madaxweyne erdogan

Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdogan, ayaa shaaciyay in dalkiisa uu qaadi doono hawlgal milateri oo ka dhan ah xooggaga Kurdiyiinta uu Maraykanka taageero ee ku sugan waqooyiga Suuriya.

Waxa uu sheegay in hawlgalka ay ku beegsan doonaan deegaannada ay ka taliso jabhadda YPG ee bariga webiga Furaat.

Turkiga ayaa marar hore duulaan xooggaan ku beegsaday xooggaga YPG ee ku sugan galbeedka webigaasi.

Xooggaga Kurdiyiinta ah ee YPG ayaa ka samaystay bariga webiga Furaat ee waqooyiga Suuriya dhul maamulkiisa ay u madax bannaan yihiin.

Dowrka muhiimka ah ee ay ka qaateen dagaalkii looga adkaaday ururka isku magacaabay dowladda Islaamka ayaa u sahlay dagaalyahannada YPG inay kasoo tallaabaan webiga ayna la wareegaan dhul ka tirsan Suuriya.

“Horay waxaan u galnay Cafriin, Jarablus, Al-Bab, haddana waxaan geli doonnaa bariga Furaat. Xogtaasi waxaan la wadaagnay Ruushka iyo weliba Maraykanka.” ayuu yiri Erdogan

Milateriga Turkiga ayaa marar hore fuliyay weerarro uu dagaalyahannada Kurdiyiinta ah uga saarayo deegaannadaasi, waxaana uu u arkaa YPG urur argagixiso oo la mid ah kan isku magacaabay dowladda Islaamka.

Balse arinta waxaa cakiray taageerrada uu Maraykanka siiyo Kurdiyiinta, gaar ahaan YPG.

Xilli Washington ay isu diyaarinayso inay dhinto hawlgalkeeda milateri ee Suuriya, ayaa waxa uu maamulka Trump ballanqaaday inuu gacan ka geysan doono samaynta aag ammaan ah oo dhaca xuduudda waqooyi bari ee ay Suuriya la leedahay Turkiga.

Xukuumadda Ankara ayaa u muuqata mid ku daashay ballanqaadka aan fulin ee Washington, duulaan ka dhan ah Kurdiyiinta oo ka dhaca bariga Furaat-na waxa uu dhalin karaa colaad ballaaran oo horleh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here