Taliyaha Itoobiyaanka ah ee Amisom iyo ciidamo uu wato oo Kismaayo tegay

amisom Jen Tigabu Yilma

Taliyaha guud ee ciidamada Midowga Africa ee AMISOM Tigabu Yilma ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Tigabu Yilma oo wata ciidamo gaar ah ayaa ka dagay barqanimadii maanta gudaha garoonka diyaaradaha Kismaayo, iyadoona halkaasi si weyn loogu soo dhoweeyey.

Taliyaha oo hoggaaminayo saraakiil kale ayaa loo galbiyey gudaha magaalada, iyagoo haatan kulan xasaasi ah la qaadanaya madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Kulankan oo saxaafadda ay dibad joog ka tahay ayaa lagu soo warramayaa in looga hadlayo arrimaha doorashada, gaar ahaan sidii ay AMISOM ula wareegi laheyd amniga magaallo Xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale wafdigan ayaa kulamo la qaadan doono guddiga doorashooyinka Jubbaland iyo musharraxiinta u taagan hoggaanka maamulkaasi.

Dhowaan ayaa la filayaa in la qabto doorashada, iyadoo weli ay taagan yihiin cabaqado waa weyn oo u baahan in xal laga gaaro, ka hor doorashadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here