Sawiro RW Kheyre oo la kulmay wefti sare oo Mareykanka ka socda

david hale Iyo Khayre2

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay ku-xigeenka Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda, David Hale oo Muqdisho soo gaaray

Kulanka ay wada qaateen Ra’iisul Wasaaraha iyo ku-xigeenka Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda ayaa looga hadlay deyn cafinta, la dagaallanka argagaxisa iyo dhismaha ciimadamada qaranka Soomaaliyeed.

David Hale oo dowladda ku ammaanay dadaallada horumainta dalka ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre uga mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo ku-xigeenka Xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda ayaa kulankooda sidoo kale iskula soo hadal qaaday kaalinta Mareynkanka uu ka gaysanayo dadaallada dib-u-kabashada qaranka Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa waxaa ka dhexeeya xariir qota dheer oo soo jireen ah oo ku dhisan horumarinta danaha labada dal iyo labada shacab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here