Gudoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo Aas Qaran Muqdisho loogu sameeyey

aaska yariisow

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kaga qayb galay salaaddii janaasada, Alle ha u naxariistee, guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow).

Diyaaraddii sidday marxuumkan ayaa markii ay soo caga dhigatay garoonka waxaa naxashka maydka la huwiyey Calanka jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana soo dejiyey Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan.

Madaxweynaha ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowso ka waraabiyo.

Intaas kaddib, Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ayaa marxuumka aas-qaran ugu sameeyey Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, iyadoona ay goob joog ka ahaayeen Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed iyo Mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Duubabka Dhaqanka, Ehelada Marxuumka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here