Jabhada xoraynta Khaatumo oo sheegatay weerar lagu qaaday Saldhig ciidamada Somaliland ee Laascaanood

col faysal falaalug

Ciidamada Jabhada Xoraynta Khaatumo ee uu Hogaamiyo Col. Faysal Faalug ayaa xalay weerar ku qaaday fadhiisinka  Ciidamada Somaliland,  gaar ahaan Saldhiga buurta Sayidka Bariga magaalada laascaanood.

Taliyaha Qaybta Booliska  Gobolka Sool ee Somaliland  Axmed Cabdullaahi Ducaale  ayaa sheegay inuu tagay Goobta ay wax ka dhaceen, islamarkaana uu soo Arkay Rasaas ka dhacday Saddex Qori, Wuxuuna xusay inaanu jirin khasaare soo gaadhay  Ciidamada, Balse wuxuu xusay in lasoo qabtay dadka Arintaasi lagu Tuhmayo,

Dhinaca kale  Hogaamiyaha Jabhada Xoraynta Khaatumo Faysal Falaalug ayaa sheegay inay Khasaare kala duwan gaadhsiiyeen Ciidamada Somaliland, Islamarkaana ay Weerarkaasi Fuliyeen, Dhankoodana aanu soo gaadhin wax khasaare ah.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay Maqlayeen Hub Culus oo labada dhinac is dhaafsadeen,  waxaana jira khasaare kala duwan oo ka dhashay, Waxaana mid kamid ah dadka deegaanu uu xusay inuu arkay gaadiidka Gurmadka Caafimaadka oo qaaday dhaawacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here