Home Blog Page 646

Sidee caafimadkaaga u waxyeeleyn kartaa cuntada aadka loo warshadeeyay?

cunto

Daraasado cusub oo laga kala sameeyay Faransiiska iyo Spain ayaa muujinaya in cuntooyinka aadka loo warshadeeyay ay caafimad darro u horseedi karaan banii’aadanka, gabow degdeg ah ama geeri.

Daraasadda waxaa lagu ogaaday in dadka maalin kasta qaata cuntooyinka warshadesyan muddo tobban sanno ah, waxay halis ugu jiraan dhimasho boqolkiiba 62%.

Dhibaatooyinka caafimaadka ee lala xiriiriyay cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay waxaa kamid ah wadno xannuunka ama Shalalka.

Haddaba, iyadoo meelo badan oo dunida ka tirsan laga isticmaalo cuntooyinka warshadaha soo maray, haatan waxaan halkan ku eegeynaa cuntooyinka halista caafimaadka ka dhalan karta.

Waaxda daraasaadka cuntooyinka ee NOVA oo ay sameysay kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Sao Paulo ee Brazil ayaa waxay sharraxaad ka bixineysaa qaababka loo kala qaado cuntooyinka warshadeysan.

Cuntooyinka aan la warshadeyn iyo kuwo dhexdhexaadka ah

Haweeney khudaar ku iibineyso suuq ku yaalla qaaradda Aasiya

Cuntooyinkan ayaa ah kuwo aanan wax warshad ah soo marin ama si aad ah looma warshadeyn, ka hor inta aanan la warshadeyn cunnada waxaa ku jirtaa nafaqooyin kala duwan oo waxtar u leh banii’aadanka, sida Fitamiin iyo macddanta qaar.

Qeybtan waxaa kamid ah Khudaarta, Lowska, Miraha, Digirta, Misiggada, Ukunta, Kalluunka iyo caanaha.

Cuntooyinka aan sida aadka ah usoo marin warshadda waxaa marka lagu sameeya in la qalajiyo, la buriyo balse kuma jiraan maaddooyin kala duwan oo nafaqo leh.

Waxyaabaha cuntooyinka lagu kariyo ee la warshadeeyay

Cuntooyinka qaar ayaa halis ku ah caafimaadka

Waxaana kamid ah Saliidda, saliidda xoolaha laga soo saaro, Cusbada iyo Sokorta.

Cuntooyinkan looguma talagelin in qofka uu wax badan ka qaato balse waxaa lagu darsadaa cuntada iyo Shaaha.

Cuntooyinka la warshadeeyay

Kalluun

Cuntooyinka lasoo warshadeeyay ayaa waxay ka koobmaan waxyaabo laisku daray oo ka badan labo waxyaabood.

Waxaana kamid ah hilibka gasadceysan, Rootiga, Khamriga, ama cuntooyinka sajilan.

Sababta cuntooyinka loo soo warshadeeyo waxay tahay in muddo ay cuntadaas raagto si aysan dhadhankeedu u baddalmin.

Cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay

Cuntooyinka fud fud
Image captionCuntooyinka fud fud

Lamana garanayo maddooyinka ku jiro cuntooyinka warshadeysan, waxaa ku jiri karaa maddooyin Kimiko ah oo macaan ah ama qalajinayo cuntada .

Cuntooyinka sida aadka ah loo warshadeeyay dunida, waxaa kamid ah.

  • Rootiga lasoo warshadeeyay
  • Cuntooyinka Sajilan
  • Caanaha qaar
  • Buskut-ka
  • Hilibka sajilan
  • Barado Shiilan
  • Sharaabka
  • Cuntooyinka shiilan ee cusbada badan
  • Digirta ku jirta weelka sajilan
.

Waxaa adag in la aqoonsado cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay, tusaale ahaan,

Burka haddii lagu daro biyo, cusbo iyo Khamiir wax dhibaato ah kuma jiro balse haddii lagu daro waxyaabo midibo u yeelayo burkaas , waxaa uu kamid noqon karaan cuntooyinka sida aadka loo warshadeeyay ee dhibaatada ku yeelan karo caafimaadka.

Haddii, Digirta lagu waxyaabo kale ama kimiko waxaa ay meesha ka saareysaa nafaqadii ku jirtay cuntadaas.

Presentational grey line

5 siyaabood ood ku garan karto in cuntada aad loo warshadeeyay

Rooti
  1. Markasta eeg warqadda ku dhegan sheeyga, haddii maadooyinka laga sameeyay cuntadaas ay badanyihiin, kana badanyihiin shan sheey, waa astaan kuu muujin karta in cuntadan aad loo warshadeeyay, sida uu qabo Professor Maira Bes-Rastrollo, oo ah La-Qore daraasadda Spain ee kor ku xusan.
  2. Maaddooyin aadan aqoonsanin kuwa ay yihiin waxaa laga yaabaa in ay yihiin maaddooyin kiimiko ah lagu dheereynayo cimriga sheeygaasi si uusan u halaabin. Badankood waa kuwa badqaba, balse waxaa jira kuwa halistoodu badantahay.
  3. Iska eeg xadka ama cabbirka lagu xusay qoraalka ee waxyaabaha uu sheeygaasi ka samaysanyahay, tusaale haddii dufanka iyo sokorta ku badanyihiin. Waxaa taas kuusii muujin kara midaba (guduud) oo muujinaya badnaansho, (guduud xigeen) dhexdhexaad iyo (cagaar) oo muujinaya inyar.
  4. Haddii aad aragto cuntada cosobka ah oo balse waqtiga ku qoran in ay dhacayso uu yahay mid fog, markaas ka shaki, waxaana laga yaabaa in waxyaabo qalaad lagu dardaray.
  5. Iska eeg haddii sheeygaasi aad loo xayaysiiyo, laguna sheego sifooyin ka badbadis kuula muuqda.
.

Dawladaha Sucuudiga iyo Soomaaliya oo gaadhay heshiis ka dhan ah Somaliland

farmaajo iyo salmaan

Dawladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga ayaa wada hadal yeeshay ka dib markii xayiraada laga qaaday markabkii xoolaha siday ee ka baxay magaalada Berbera.

Sida ay sheegayaan wararku, wadahadalka dhexmaray Soomaaliya iyo Sucuudiga ayey iskula meel-dhigeen go’aano ka dhan ah Somaliland oo ay si wadajir ah u gaadheen.

Arrintan ayaa timid, kadib markii dhawaan la sii daayey Markab ka shiraacday Dekedda Berbera Somaliland oo ku xidhay magaalada Jidda, kaasi oo muddo u xanibnaa ruqsad Caafimaad oo ay leedahay Dawladda Federalka Somalia.

Sida la sheegay Markabkaasi ayaa lagu sii daayey wada-hadallo dhexmaray wakiillo ka socday dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga, ganacsato u dhashay Somaliland iyo kuwa Sucuudiga ee Xoolaha la wareegayay.

Kulankaasi ayaa waxaa ka dhashay, islamarkaana dhinacdyadu ay isla garteen in Markabka laga dajiyo Xoolaha, islamarkaana haatan wixii ka dambeeya Sacuudiga aan la geyn Xoolo aan warqad caafimaad ka wadan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Sida aan ku ogaanay warbixin rasmi ah, Ganacsatada Somaliland iyo wakiillo Somaliland ugu lug lahaa kulankaas ayaa la sheegay in ay aqbaleen, inkasta oo kulankii Golaha Wasiirrada ee Somaliland aanay ku soo hadal qaadin heshiiska Markabkaas lagu siidaayay.

Dhawaan ayey aheyd markii Somaliland ay beenisay in Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar) uu sii daayey Markabkaasi.

Dallad ay ku mideysanyihiin Ganacsato Xoolaha ka dhoofisa Boosaaso ayaa iyaguna la sheegayaa in ay Ganacsatada Somaliland Shuruud uga dhigeen in ay warqad caafimaad ka qaataan Boosaaso si xoolahooda loogu dhoofiyo Dalka Cumaan.

Dalka Cumaan ayaa bil kasta loo dhoofiyaan 10,000 (toban kun) oo Dibi kuwaas oo ka baxa Dekadda Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Dalalka Sucuudiga, Yemen iyo Cumaan ayaa ah dalalka ugu badan ee Carbeed ee dhoofsada Xoolaha kala duwan ee laga qaado Xeebaha Somaliland iyo Soomaaliya.

XIGASHO HADHWANAAG

DF oo shaacisay barnaamij ay sanad kasta ku sharfi doonto Hodan Naaleeye

Hodan siciid naalaye

Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shaaciyey in dowladda Soomaaliya sanad kasta Xus sanadeed ay u sameyn doonto Marxuumad Hodan Naaleeye.

Cawad oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ballan qaaday in dowladdu sanad weliba ay bixin doonto abaal-marin  loogu magac daray Hodan Naaleeye.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in abaal-marintan ay ku tartami doonaan dhammaan Qurbe Joogta Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka ay qiimeyn gaar ah ku sameyn doonto dhaq dhaqaaqa iyo waxqabadka Qurbe Joogta ku soo laabaneyso dalka.

Arrintan ayuu tilmaamay Wasiir Cawad in lagu dhiiri gelinayo dadka waxtarka u leh dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

“Iyada oo la xurmaynayo nolosha halabuurnimo ee Hodan Naaleeye, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay bixin doontaa inshaallah (Abaalmarinta #HodanNalayeh). Sanad waliba waxa aanu guddoonsiin doonnaa qof aan u aqoonsannay in uu wax muuqda qabtay oo ka tirsan Qurbe joogga Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hodan Naaleeye oo aheyd gabar Wariye ah, ayaa tabin jirtay sheekooyinka wanaagsan ee Soomaaliya, waxaana ay ku geeriyootay weerarakii xooganaa ee sabtidii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland.

Ciidamada Soomaaliya oo ka mid noqday dhoolatus milatari ka billaabmay gudaha Itoobiya

danab kumandoos

Ciidamo Soomaali ah iyo kuwa kale oo ka kala socda qaar ka mid ah dalalka NATO iyo kuwa ku yaalla Geeska Africa, ayaa Dhoolatys Milatari wuxuu uga bilowday bariga dalka Itoobiya.

Ciidamadani oo tiro ahaan gaaraya illaa kun askari ayaa soo bandhigaya Dhoolatus aad u ballaaran.

Ujeedada laga leeyahay Carbiskan Milatari ayaa ah mid lagu xoojinayo awooda howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM.

Mareykanka ayaa maalgelinaya Dhoolatuskani oo socon doono muddo labo todobaad ah.

Dalalka Africa ee ka qeyb galaya ayaa waxaa ka mid ah  Somlia, Jabuuti, Ugnada, Ethiopia, Ruwanda, Ethiopia iyo howlgalka AMISOM.

Dowladda Itoobiya ayaa sanadkii labaad martigelineysa Dhoolatuskani oo loogu magac daray JA19.

Soomaaliya oo hadda ka soo kabaneysa burbur xoogan ayey fursad muhiim ah u tahay inay soo bandhigto cududeeda Milatari, kana faa’iido Carbiskaasi.

Ciidamada Xoogga oo dib loo dhisayo ayaa dhawaan AMISOM kala wareegaya amniga, kuwaas oo la qorsheynayo in gabi ahaan ay isaga baxaan dalka.

Theresa May oo si kulul u cambaareysay madaxweyne Trump

trum iyo theresa may

Ra’isalwasaaraha Britain Theresa May ayaa cambaareysay hadalka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu haweenka ka tirsan aqalka Koongreska Mareykanaka oo aan ahayn caddaan uu ku yiri ‘Dib u laabto’.

Raisalwasaraaha Britain ee xilka ka sii tageyso ayaa hadalka Mr Trump ku tilmaantay ‘mid aan la qabali karin’, sida ay sheegtay afhayeen u hadashay Mrs May.

Madaxweyne Trump waxaa uu yiri haweenka “asal ahaan ka soo jeedo waddama baaba’ ah oo ay dowlado ka jirin”.

Wuxuuna madaxweynaha hadalkaasi uu ula jeeday afar haween ah oo ka tirsan aqalka Koongreska mareykanka oo ay seddex ka mid ah ay ku dhahseen Mareykanka midda afaraadna ay Mareykanka tagtay iyada oo 12 jir ah.

Hadalka Trump oo camaareyn kulul caalamka looga soo jeediyey ayaa lagu tilmaamay inuu cunsuri yahay, hadalka cusub ee ka soo yeerayna uu yahay hadalladi cunsuriyadda ee horay looga bartay mid ka duwan.

Musharraxa Madaxweynanimada ee xisbiga Dimuqraadiga ayaa hadalka Trump ku tilmaamay cunsuriyad, halka uu xubinka matalaya xisbiga jamhuuriga uu Trump uu ka soo jeedo uu ka gaabsaday.

Iyada oo uu taagan yahay hadalka cunsuriyadda ee Madaxweyna Trump ayuu Subaxnimada Isniintana haddana Tweetarkiisa ku soo qoray iney haweenkaasi raalli gelin bixiyaan.

Haweenka aqalka Koongresska mareykanka ka tirsan uu weeraray madaxweyne trump waxay kala yihiin Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib, Ayanna Pressley oo ku dhashay Mareykanka iyo lhaan Cumar oo Sooaamli ah, oo Mareykanka qoxootinimo ku tagtay iyada oo 12 jir ah, haweenkaasi oo kulligood matalaya xisbiga Dimuqraadiga.

Ms Ocasico-Cortez waxay ku dhalatay Bronx oo New York ka tirsan, halka ay ku dhalatay 12 maayl u jirto Isbitaalka Queen oo ah halka uu madaxweyne Trump ku dhashay.

Mrs May ayaa bishi June Ra’isal wasaaranimada Britain iska casishay kaddib marki uu baarlamaanka Ingiriiska uu ka hor istaagay inuu u meel mariyo heshiiska ka bixitaanka midowqga yurub.

Laba Musharraxa oo ka soo jeedda xisbiga muxaafidka ayaa haatan loollan adag ugu jirto sidi ay u beddeli lahaayeen ra’sal wasaaraha xilka iska casishay.

Muxuu yiri madaxweyne Trump?

Saddex qoraal oo uu Trump soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu haweenka ka tirsan Congress-ka ugu eedeeyay inay haweenkan “si joogto ah” u dhaliilaan isaga iyo waddanka Mareykankaba.

Wuxuu qoraalkiisu ahaa sidan: “Way xiiso badan tahay in la arko ‘horumarka ay gaareen’ haweenka Congress-ka ee xisbiga Dimuqraaddiga, kuwaasoo markoodii hore ka yimid dalal ay dowladahoodu gabi ahaanba burbursan yihiin qalalaasena ku jiraan, midda ugu sii xunna, ah waddamada ugu musuqmaasuqa badan adduunka oo dhan(xitaa haddiiba ay shaqeeyaan), haddana waxay cod dheer dumarka noocaas ah ugu sheegayaan dadka Mareykanka, oo ah dowladda ugu awoodda badan adduunka, sida wax loo maamulo.

“Maxay dib ugu laaban la’yihiin dalalkooda, si ay uga caawiyaan dib u dhiska dowladahooda burbursan iyo dalalkooda ay dambiyada ka dhacayaan. Kaddibna hanoo soo laabtaan oo hanoo sheegaan sida ay usoo hirgaliyeen”.

“Meelahaas ayaa aad garab idiinkaga baahan, si dhakhso ah kuma bixi kartaan. Waan hubaa inay Nancy Pelosi aad ugu farxi doonto inay si deg deg ah u diyaariso qorsheyaal safarro oo bilaash ah”.

Nancy Pelosi ayaa si weyn u cambaareysay hadalka kasoo yeeray madaxweyne Trump, halka Rashida Tlaib ay jawaabteeda Twitter-ka iyadana ku sheegtay baaq ay ku jeedisay in xilka laga qaado Mr Trump.

Sidoo kale Ilhaan Cumar oo galinkii dambe ee maanta kusoo jawaabtay Twitter-keeda ayaa eedeyn culus u jeedisay madaxweynaha, iyadoo sheegtay “inay u dhaarteen sidii ay ula dagaallami lahaayeen madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan ee abid soo maray Mareykanka”.

Falcelin noocee ayaa ka dhalatay hadalka Trump?

Koox haween ah oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa si caro leh uga jawaabay ka dib markii uu madaxwayne Trump uu sheegay in afartan xubnood ay tahay in ay ku laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen.

Siyaasiyiin badan iyo kuwo ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga oo ay ka mid tahay afhayeenka aqalka wakiillada Nancy Pelosi ayaa tallaabadaan ku cambaareeyay madaxweynaha.

Ms Pelosi qoraalka Trump waxay ku tilmaantay ‘Isir neceyb’

Boggeeda Tweetarka waxay ku qortay “Donald Trump afar haween ah oo ka tirsan aqalka Koongreska mareykanka oo uu yiri dalkooda ha ku laabtaana, iyada oo hadalkiisa xillligi ololaha doorashada uu ahaa “Mareykanka waxaan doonayaa inaan markale kale ka dhigo ka dunida ugu awoodda badan” ma aha laba iskeeneyso balse wuxuu doonayaa inuu Mareykanka uu ka dhigo dal ay markale caddaanka oo keli ah leeyihiin. Kala duwanaashaheenna waa adkaashaheenna, midnimadeennuna awood ayey noo yeeleysaa.”

Ms Talib oo ka tirsan aqalka koongresska oo laga soo doorto degmada 13aad ee Michigan, waxay Tweetarkeeda ku soo qortay iyada oo Mr Trump u jawaabeyso “Waxaan doonayaa inaan u jawaabo ficillada sharci darrada iyo guuldaradda madaxweynaha? Halis ayuu ku jiraa, Fikirkiisa aadka u liita ayuuna halis kala kulmayaa, wuxuuna u baahan yahay in la joojiyo.”

Ms Ocasio-Cortez waxay iyaduna boggeeda Tweetarka ku soo qortay: “Haddii uu ixtiraami waayey dadka Mareykanka ee na doortay, annaguna ma aqbaleyno mana kaa cabsaneyso.”

Sidoo kale Ilhaan Cumar oo kusoo jawaabtay Twitter-keeda ayaa eedeyn culus u jeedisay madaxweynaha, iyadoo sheegtay “inay u dhaarteen sidii ay ula dagaallami lahaayeen madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan ee abid soo maray Mareykanka”.

Justin Amash oo si weyn uga soo horjeedo madaxweyne Trump ayaa hadalka madaxweyne trump ku tilmaamay cunsuriyad iyo wax lagu qoslo.

Mr Trump farriimahiisa Tweetarka uu ku weeraray haween ka tirsan Congress-ka ku eedeeyay inay haweenkan “si joogto ah” u dhaliilaan isaga iyo waddanka Mareykankaba.

Culimada maxay ka tiri geeridii Hodan Naleyah?

Hodan naalaye

Qaar ka mid culimada ayaa aad uga damqaday geeridii ku timid Hodan Naleyah oo ku geeriyootay qarax lala beegsaday huteel ku yaala magaalada Kismaayo ee maamul goboleedka Jubbaland.

Geeridii ku timid Hodan ayaa gilgishay quluubta dad badan.

Culimada ayaa Hodan ku tilmaamay inay ahayd qof aad u wanaagsan oo bulshada Soomaaliyeed quluubta uga taalay.

Qaar ka mid ah oo fariimo soo dhigay baraha bulshada ayaa niyad jab badan ay ka muuqatay.

Sheekh Siciid Raage

Sheekh Siciid oo ka mid ah culimada ugu waaweyn ee Soomaalida oo bartiisa Facebook si toos u soo galay habeenkii ay Hodan dhimatay ayaa sheegay inay Hodan aad ugu faani jirtay Soomaalinimadeeda iyo diinteedaba.

“waxaan Ilaahay hortiisa uga marag furayaa inay ahayd adoon wanaagsan oo wax wanaagsan qabata.”

“Maalinta qayaamo haddii uu Ilaahay raali ka noqdo, waxaan Alle hortiisa ka cadeyn doonaa inay ahayd Muslimad wanaagsan ” Ayuu yiri.

Dhammaadka Facebook daabacaadda qore Said Rageah

“Murugo weyn ayey igu tahay inaan arko qof saas u wanaagsan oo hadda sidaas dunida uga tagayso.”

Cumar Suleeymaan

Cumar Sulaymaan oo ah Sheekh caalamka aad looga yaqaano ayaa geerida Hodan ku tilmaamay mid murugo badan.

“Aad Ayaan uga naxay warka sheegaya geeridii ku timid walaashay Hodan iyo seygeeda, waxaa qasaaro weyn, niyaddeeda wanaagsan ayaa marwalba ka iftiimaysay shaqadeeda iyo sida wanaagsan ee ay dadka ula dhaqmaysay. Waxay marwalba ii soo diri jirtay fariimo naxariis ku dheehan marwalba oo ay maxaadaradayda dhagaysato.” Ayuu yiri Sheekh Sulaymaan.

Dhammaadka Facebook daabacaadda qore Omar Suleiman

Fariintiisa oo dheerayd ayaa waxa Hodan Alle uga baryay inuu Janadii ka waraabiyo.

Sheekh Maxamed Ibraahim Keenyaawi

Sheekh Maxamed Kenyaawi oo sidoo kale barta Facebook si toos ah uga hadlayay ayaa sheegay inay sidoo kale ahayd maalin murugo weyn leh.

“Allaha unaxaristo, Allaha unaxaristo Hodan iyo Jaamac Fariid, waxay igu leeyihiin culays gooni ah, Nairobi anaga oo joogna Ayaan isku mehriyay lammaanahan, waxaan Ilaahay uga baryayaa dambi dhaaf.”

Dhammaadka Facebook daabacaadda qore Mohamed Sh Ibrahim Kenyawi

Inta badan wararka laga soo tebiyo Soomaaliya waxay u badan yihiin warar ku saabsan dagaallo sokeeye, dagaallo dhexmaray maleeshiyaad, abaaro ama macluul balse Hodan Naaleeye wuxuu higsigeedu ahaa sidii ay usoo bandhigi laheyd horumarada ay gaareen shacabka iyo quruxda dalka.

Falsafaddii Hodan

Hodan ayaa waxa isticmaali jirtay hal ku dhigyo dhiiragelin ah, sida #naagiskadhig #somaliarising #somalipositivity , kuwaan oo ahaa erayo ay ku dhiirogalinayso bulshada Soomaaliyeed ee ku xiran baraha bulshada iyo kuwa kaleba.

Dadaalkeedi wuxuu ahaa inay diiradda saarto dhiirogelinta da’ yarta Soomaalida si ay dib ugu soo laabtaan dalkooda sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka, waxay dhaqdhaqaaqyadaas u horseedeen in bulshada soomaaliyeed ay si weyn u aqoonsadeen howshii ay heysay balse dhimashadeedi Jimcihii ayaa waxaa ka dhashay naxddin.

Qoraal ay barta Facebook soo geliyeen qoyskeeda’ waxay sheegeen ‘In nolosheeda ay ku qaadatay caawinta dadka Soomaalida si ay dunida ay ugu soo bandhigto xaqiiqada dhabta ah gaar ahaan tebinta wararka ku saabsan horumarada dalka uu gaaray’

“Waxay dhiirogelin iyo rajo gelin siiyay shacabka soomaalida xilli ay u mareysay tebinteeda, haddana waa la waayi doona” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay qoyska.”

Hodan Naaleeye waxay ku dhalatay magaalada Laascaanood balse waxay ku barbaartay dalka Canada kaddib markii qoyskeeda ay tegeen dalkaas, waxay annadkii lasoo dhaafay go’aansatay inay dib ugu laabato Soomaaliya.

Markii ay Canada tegeen, Aaabaheed waxaa uu ka shaqeyn jiray goob baabuurta la dhigto, wuxuuna sidoo kale ahaan jiray diblumaasi hore, sida laga soo xigtay bogga Toronto.com.

Geerida Hodan oo aad looga naxay ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay culima badan balse intaan ayaan ku soo koobnay.

Trump oo banaanka soo dhigay fikradda xun ee uu ka qabo dalal ay Soomaaliya ka mid tahay

trump

Inkasta oo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Maraykanka uu yahay mid diiran, islamarkaasna uu sii kordhayo iskaashiga labada dal, ayaa haddane waxaa markii ugu horeysay soo baxaya fikradaha uu madaxweynaha Maraykanka ka qabo Soomaaliya.

Inkasta oo uusan toos u magacaabin, haddane Donald Trump ayaa laga soo xigtay hadalo ay warbaahinta adduunka aad u faafisay oo uu ka sheegay afar xildhibaan oo ku jira Aqalka Congress-ka Maraykanka, oo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar, oo asal ahaan ka timid Soomaaliya.

Mid ka mid ah xildhibaanada oo ah Ms Ocasio-Cortez ayaa ku dhalatay isbitaal ku yaala degmada Bronx ee New York, halkaas oo qiyaastii 12 mile u jirta meesha uu Donald Trump ku dhashay.

Trump ayaa xildhibaanadan dumarka ah u sheegay in ay ku laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, islamarkaasna ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka heysta.

Wuxuu yiri “Waa arrin xiiso leh in aan aragno xildhibaanada dumarka ah ee xisbiga dimoqoraadiga, kuwaas oo asal ahaan ka yimid dalal dowladahooda ay gebi ahaanba yihiin kuwa masiibo ah, oo musuqmaasuq hareeyay, ahna kuwa ugu xun ee adduunka ka shaqeeya, in hadda dadka reer Ameerika oo ah kuwa ugu awoodda badan adduunka ay u sheegeen sida wax loo maamulo”.

Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @realDonaldTrump

Donald J. Trump@realDonaldTrump

So interesting to see “Progressive” Democrat Congresswomen, who originally came from countries whose governments are a complete and total catastrophe, the worst, most corrupt and inept anywhere in the world (if they even have a functioning government at all), now loudly……162K3:27 PM – Jul 14, 2019Twitter Ads info and privacy81.4K people are talking about this

Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @realDonaldTrump

Wuxuu Trump intaas ku daray in marka hore ay soo hagaajiyaan dalalkii ay ka yimaadeen.

Balse afarta dumar ee la sheegay in uu hadalka ula jeedo, saddex ka mid ah waxa ay ku dhasheen Maraykanka, marka laga reebo Ilhaan Cumar oo iyada oo yar Soomaaliya ka tagtay.

Ilhaan oo u jawaabtay Trump ayaa sheegtay in ay u dhaaratay qaranka Maraykanka iyo sidii ay uga difaaci lahayd wax ay ku tilmaamtay ‘madaxweynihii ugu musuqmaasuqa badnaa ee soo maray”.

Madaxweyne Trump ayaa sannadkii hore dalalka Afrika iyo kale ku tilmaamay kuwa ‘Gudaafad ah’, hadalkaas oo ay ka dhalatay caro badan.

Sidoo kale Soomaaliya waxa ay ahayd dalka kaliya ee Afrikaanka ah ee maamulka Trump uu kusoo rogey mamnuucista xagga safarka, isaga oo lagu eedeeyay in ay fadhiisimo u yihiin kooxo argagixiso ah.

Dowladda Soomaaliya ayaanan ka jawaabin hadalka cusub ee loo tiiriyay madaxweynaha Maraykanka.

Balse wasiir ka tirsan jamhuuriyadda iskeed madax banaanida ugu dhowaaqday ee Somaliland ayaa bartiisa Twitter-ka ugu jawaabay Trump, wuxuuna sheegay in uu ku raacsanyahay Trump aragtidiisa ah in dowladda Soomaaliya ka jirta ay tahay mid musuqmaasuq ah.

Maxamed Daahir Axmed ayaa ah wasiir ku xigeenka waxbarashada Somaliland.

Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @MinModahir

Mohammed Dahir Ahmed@MinModahir

In Somaliland we agree with President @realDonaldTrump there isn’t a functioning Government in Mogadishu ie Somalia but there is mafia group which promote instability in East Africa’s @FranceinSomalia @US2SOMALIA @AsstSecStateAF @SecPompeo https://twitter.com/realdonaldtrump/status/1150381394234941448 …Donald J. Trump@realDonaldTrumpSo interesting to see “Progressive” Democrat Congresswomen, who originally came from countries whose governments are a complete and total catastrophe, the worst, most corrupt and inept anywhere in the world (if they even have a functioning government at all), now loudly……429:10 PM – Jul 14, 2019Twitter Ads info and privacy45 people are talking about this

Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @MinModahir

Ra’iisul wasaaraha Canada : Hodan Naaleeye waxa ay ahayd tusaale wanaagsan

rw canada justin trudeau

Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa waxaa uu tacsi u diray dhammaan ehelada, qoysaska Hodan Naaleeye iyo ninkeedii Jaamac Faarid oo ku dhintay weerarkii ka dhacay magaalada Kismaayo.

Waxaa uu sidoo kale tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay qaraxaas.

Justin Trudeau waxaa uu sheegay in Hodan Naaleeye ay ka shaqeyn jirtay soo bandhigidda horumarada ka socda Soomaaliya isla markaasna geerideeda si weyn ay uga naxeen dadka reer Canada.

“Hodan Naaleeye waxay ka shaqeyn jirtay tebinta wararka wanaagsan ee ka taabanayo horumuarada dalka, dhiirogelinta da’ yarta soomaalida…Geerida ku timid waxaa si weyn uga naxay dadweynaha Canada iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dunida

Waxaa uu sidoo kale ra’iisul wasaaruhu sheegay in howsha Hodan Naaleeye ay caddeyn u aheyd saxaafadda xorta ah ee difaaceyso isdhexgalka iyo wada noolanshaha.

Justin Trudeau waxaa uu sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeyn doonaan xoojinta amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

Diyaaradda Itoobiya oo markii ugu horreysay ka degtay Garoowe

ethiopian airlines garoowe

Waxaa maanta magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland markii ugu horreysay ka cago dhigatay diyaaradda Ethiopian Airlines.

Garoonka ayaa waxaa joogay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland iyo dadweyn soo dhaweynayay diyaaradda.

Madaxweynaha Puntland ayaa bilo ka hor magaalada Addis Ababa kula kulmay madaxda shirkadda Ethiopian Airlines, wuxuuna sheegay in uu heshiis la galay shirkadda, duulimaadna ka bilaabi doonto Puntland.

Dagaalka Trump iyo Ilhaan oo heer cusub gaaray

ilhaan cumar iyo trump

Waxaa wali socota cambaareynta loo jeedinayo madaxwayne Donold Trump ka dib markii uu weerar dhanka afka ah ku qaaday 4 haween ah oo ka tirsan aqalka Kongreska Mareykanka.

Koox haween ah oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa si carol eh uga jawaabay ka dib markii uu madaxwayne Trump uu sheegay in afartan xubnood ay tahay in ay ku laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen.

Siyaasiyiin badan iyo kuwo ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga oo ay ka mid tahay afhayeenka aqalka wakiillada Nancy Pelosi ayaa tallaabadaan ku cambaareeyay madaxweynaha.

Sidoo kale Ilhaan Cumar oo kusoo jawaabtay Twitter-keeda ayaa eedeyn culus u jeedisay madaxweynaha, iyadoo sheegtay “inay u dhaarteen sidii ay ula dagaallami lahaayeen madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan ee abid soo maray Mareykanka”.

Afarta haween ee la rumaysan yahay in uu madaxwayne Trump hadalkisa ula jeeday ayaa dhamaantooda loo doortay aqalka koongreska doorashadii xilliga dhexe ee dhawaan Mareykanka ka dhacday.

Siyaasadooda u janjeerta dhanka bidix ayaa sababtay in ay isku dhacaan Nancy Pelosi – gaar ahaan arrinta siyaasadaha socdaalka.

Mid ka mid ah haweenkaasi waa Ilhan Omar – oo ku dhalatay dalka Soomaaliya islamarkana tagtay Mareykanka iyada oo aad u da’yar.

Saddex haween ayaa kala ah Rashida Tlaib, Ayanna Pressley Alexandria iyo Ocasio-Cortez .

Saddex qoraal oo uu shalay Trump soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu haweenka ka tirsan Congress-ka ugu eedeeyay inay haweenkan “si joogto ah” u dhaliilaan isaga iyo waddanka Mareykankaba.

Wuxuu qoraalkiisu ahaa sidan: “Way xiiso badan tahay in la arko ‘horumarka ay gaareen’ haweenka Congress-ka ee xisbiga Dimuqraaddiga, kuwaasoo markoodii hore ka yimid dalal ay dowladahoodu gabi ahaanba burbursan yihiin qalalaasena ku jiraan, midda ugu sii xunna, ah waddamada ugu musuqmaasuqa badan adduunka oo dhan(xitaa haddiiba ay shaqeeyaan), haddana waxay cod dheer dumarka noocaas ah ugu sheegayaan dadka Mareykanka, oo ah dowladda ugu awoodda badan adduunka, sida wax loo maamulo.

“Maxay dib ugu laaban la’yihiin dalalkooda, si ay uga caawiyaan dib u dhiska dowladahooda burbursan iyo dalalkooda ay dambiyada ka dhacayaan. Kaddibna hanoo soo laabtaan oo hanoo sheegaan sida ay usoo hirgaliyeen”.

“Meelahaas ayaa aad garab idiinkaga baahan, si dhakhso ah kuma bixi kartaan. Waan hubaa inay Nancy Pelosi aad ugu farxi doonto inay si deg deg ah u diyaariso qorsheyaal safarro oo bilaash ah”.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY