Culimada maxay ka tiri geeridii Hodan Naleyah?

Hodan naalaye

Qaar ka mid culimada ayaa aad uga damqaday geeridii ku timid Hodan Naleyah oo ku geeriyootay qarax lala beegsaday huteel ku yaala magaalada Kismaayo ee maamul goboleedka Jubbaland.

Geeridii ku timid Hodan ayaa gilgishay quluubta dad badan.

Culimada ayaa Hodan ku tilmaamay inay ahayd qof aad u wanaagsan oo bulshada Soomaaliyeed quluubta uga taalay.

Qaar ka mid ah oo fariimo soo dhigay baraha bulshada ayaa niyad jab badan ay ka muuqatay.

Sheekh Siciid Raage

Sheekh Siciid oo ka mid ah culimada ugu waaweyn ee Soomaalida oo bartiisa Facebook si toos u soo galay habeenkii ay Hodan dhimatay ayaa sheegay inay Hodan aad ugu faani jirtay Soomaalinimadeeda iyo diinteedaba.

“waxaan Ilaahay hortiisa uga marag furayaa inay ahayd adoon wanaagsan oo wax wanaagsan qabata.”

“Maalinta qayaamo haddii uu Ilaahay raali ka noqdo, waxaan Alle hortiisa ka cadeyn doonaa inay ahayd Muslimad wanaagsan ” Ayuu yiri.

Dhammaadka Facebook daabacaadda qore Said Rageah

“Murugo weyn ayey igu tahay inaan arko qof saas u wanaagsan oo hadda sidaas dunida uga tagayso.”

Cumar Suleeymaan

Cumar Sulaymaan oo ah Sheekh caalamka aad looga yaqaano ayaa geerida Hodan ku tilmaamay mid murugo badan.

“Aad Ayaan uga naxay warka sheegaya geeridii ku timid walaashay Hodan iyo seygeeda, waxaa qasaaro weyn, niyaddeeda wanaagsan ayaa marwalba ka iftiimaysay shaqadeeda iyo sida wanaagsan ee ay dadka ula dhaqmaysay. Waxay marwalba ii soo diri jirtay fariimo naxariis ku dheehan marwalba oo ay maxaadaradayda dhagaysato.” Ayuu yiri Sheekh Sulaymaan.

Dhammaadka Facebook daabacaadda qore Omar Suleiman

Fariintiisa oo dheerayd ayaa waxa Hodan Alle uga baryay inuu Janadii ka waraabiyo.

Sheekh Maxamed Ibraahim Keenyaawi

Sheekh Maxamed Kenyaawi oo sidoo kale barta Facebook si toos ah uga hadlayay ayaa sheegay inay sidoo kale ahayd maalin murugo weyn leh.

“Allaha unaxaristo, Allaha unaxaristo Hodan iyo Jaamac Fariid, waxay igu leeyihiin culays gooni ah, Nairobi anaga oo joogna Ayaan isku mehriyay lammaanahan, waxaan Ilaahay uga baryayaa dambi dhaaf.”

Dhammaadka Facebook daabacaadda qore Mohamed Sh Ibrahim Kenyawi

Inta badan wararka laga soo tebiyo Soomaaliya waxay u badan yihiin warar ku saabsan dagaallo sokeeye, dagaallo dhexmaray maleeshiyaad, abaaro ama macluul balse Hodan Naaleeye wuxuu higsigeedu ahaa sidii ay usoo bandhigi laheyd horumarada ay gaareen shacabka iyo quruxda dalka.

Falsafaddii Hodan

Hodan ayaa waxa isticmaali jirtay hal ku dhigyo dhiiragelin ah, sida #naagiskadhig #somaliarising #somalipositivity , kuwaan oo ahaa erayo ay ku dhiirogalinayso bulshada Soomaaliyeed ee ku xiran baraha bulshada iyo kuwa kaleba.

Dadaalkeedi wuxuu ahaa inay diiradda saarto dhiirogelinta da’ yarta Soomaalida si ay dib ugu soo laabtaan dalkooda sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka, waxay dhaqdhaqaaqyadaas u horseedeen in bulshada soomaaliyeed ay si weyn u aqoonsadeen howshii ay heysay balse dhimashadeedi Jimcihii ayaa waxaa ka dhashay naxddin.

Qoraal ay barta Facebook soo geliyeen qoyskeeda’ waxay sheegeen ‘In nolosheeda ay ku qaadatay caawinta dadka Soomaalida si ay dunida ay ugu soo bandhigto xaqiiqada dhabta ah gaar ahaan tebinta wararka ku saabsan horumarada dalka uu gaaray’

“Waxay dhiirogelin iyo rajo gelin siiyay shacabka soomaalida xilli ay u mareysay tebinteeda, haddana waa la waayi doona” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay qoyska.”

Hodan Naaleeye waxay ku dhalatay magaalada Laascaanood balse waxay ku barbaartay dalka Canada kaddib markii qoyskeeda ay tegeen dalkaas, waxay annadkii lasoo dhaafay go’aansatay inay dib ugu laabato Soomaaliya.

Markii ay Canada tegeen, Aaabaheed waxaa uu ka shaqeyn jiray goob baabuurta la dhigto, wuxuuna sidoo kale ahaan jiray diblumaasi hore, sida laga soo xigtay bogga Toronto.com.

Geerida Hodan oo aad looga naxay ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay culima badan balse intaan ayaan ku soo koobnay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here