Ra’iisul wasaaraha Canada : Hodan Naaleeye waxa ay ahayd tusaale wanaagsan

rw canada justin trudeau

Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa waxaa uu tacsi u diray dhammaan ehelada, qoysaska Hodan Naaleeye iyo ninkeedii Jaamac Faarid oo ku dhintay weerarkii ka dhacay magaalada Kismaayo.

Waxaa uu sidoo kale tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay qaraxaas.

Justin Trudeau waxaa uu sheegay in Hodan Naaleeye ay ka shaqeyn jirtay soo bandhigidda horumarada ka socda Soomaaliya isla markaasna geerideeda si weyn ay uga naxeen dadka reer Canada.

“Hodan Naaleeye waxay ka shaqeyn jirtay tebinta wararka wanaagsan ee ka taabanayo horumuarada dalka, dhiirogelinta da’ yarta soomaalida…Geerida ku timid waxaa si weyn uga naxay dadweynaha Canada iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dunida

Waxaa uu sidoo kale ra’iisul wasaaruhu sheegay in howsha Hodan Naaleeye ay caddeyn u aheyd saxaafadda xorta ah ee difaaceyso isdhexgalka iyo wada noolanshaha.

Justin Trudeau waxaa uu sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeyn doonaan xoojinta amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here