WIIL SOOMAALI AH OO ISAGOO TAHRIIBAYA ILKAHA LAGA SIIBAY IYO SIDAY U DHACDAY

tahriibe badbaaday

Kumanaan qof oo muhaajiriin ah ayaa sanad kast gala dalka Ingiriiska kuwaas oo baadigoob ugu jira nolal ka wanaagsan tii ay ku haysteen dalalkooda, waxana muhaajiriintaasi ka mid ah Soomaali.

BBC-da ayaa la kulantay wiil Soomaali ah oo ka mid ah dadka tahariibka ku galay dalka Ingiriiska isaga oo maray ilaa shan waddan, wajahayna halis badan oo dhanka noolasha ah.

Inkasta oo uu diiday isticmaalka Magaciisa saxda ah, waxaan ugu yeeri doona Rayaan inta aan warbixinta ku dhax jirno.

Rayaan waxa uu ku dhashay dalka Sucuudiga, balse waa Soomaali asal ahaan, isaga oo siddeed iyo toban jir ah ayuu go’aansaday in uu ka baxsado nidaamka kafaala-qaadka ee Sucuudiga, oo uu guuro dalkiisa hooyo.

Waxa uu sheegay in markii uu Soomaaliya imaanayay uu rajaynayay in dalkiisa uu joogo, balse markii uu bilo joogay ayuu garoowsaday in uusan waqti badan Soomaaliya ku sii qaadan Karin.

“Waxaan ku soo koray wadan nabad ah, nolosheydana weligay qori ma arag” ayuu yiri Rayaan, balse markii uu kusoo laabtay Muqdisho waxaa xiligaas qeybo badan oo ka mid ah magaalada maamulayay Al-shabaab.

Biloowga Safarkii dhibaatada badnaa

Rayaan oo bilo kooban Muqdisho joogay kadib waxa uu go,aansaday ka tagista Soomaaliya, waxaana uu u safray dalka Ruushka halkaas oo aysan jirin cid uu ka garanayay.

Markii uu Ruushka tagay waxa uu sheegay in boolisku ay ka qaateen Baasboorkii, kadibna uu bilaabay tahriib uu ku galo dalka Ukraine halkaas ayaana ahyed biloowga dhibaatada.

Lacag dhan 1,400 oo giniga Istarliinka ah, ayuu sheegay in ay tahay kharashka looga baahnaa hawlaha tahriibka, ayada oo mararka qaarn ay dhacdo in dadka wax tahriibiya ay khiyaaneeyaan dadka safarka ah.

Waxa uu shegay in markii Dalka Ukraine uu yimid ay qabteen Ciidanka Wadankaasi, dhawr maalin oo ay hayeen ayuu sheegay in ay u gaysteen jirdil joogta iyo tacdiyo kale.

“Waxaan ka codsaday inay igu celiyaan Soomaaliya, waxayna i waydiiyeen inta qof ee ku dhinta Soomaaliya maalin walba?”

Rayaan ayaa sheegay in lagula kacay cunsurinimo isla markaan ciidanka Ukraine ay ka bixiyeen qaar mid ah ilkihiisa inta ay gacanta ku hayeen, waxaa uu xusay in dhacdadani ay tahay mid wali ku jirta xasuustiisa ilaa maanta.

Kadib afar bilood oo xabsiga ku jiray ayaa la sii dayay, waxaana uu xariir la sameeyay haweeney Ukraine u dhalatay, taas oo uu la noola qoyskeeda muddo sanad iyo bar ah walow markii danbe uu xariirkooda dhamaaday.

Billoowgii duullaankii Ruushka ay ku qaaday Ukraine, Rayaan ayay booliisku ka codsadeen in uu ku biiro ciidamada Ukraine, waxaana loo ballan qaaday dhalashada dalkaasi , balse waa uu diiday in dagaal galo.

Waxaa uu sheegay in markii uu biloowday dagaalka Ukraine iyo Ruushka uu ka qaxay, isaga oo maray dalal badan oo ka mid ah kuwa Yurub kuwaas oo dhamaan lagu xiray ama jirdil loogu gaystay.

Markii Yurub galay ayuu tilmaamay in mar kale uu ku dhax tahriibay si uu isugu dayo in uu galo dalka Ingiriiska.

Waxaa uu sheegay in Safarkii uu u galay dalka Ingiriiska ahaa mid khataro badan oo dooni yar ay ku raaceen dad gaaraya boqalal qof .

Rayaan oo hada ku nool Boqortooyda Uk kama uusan halin nolashii uu ku hamminayay, waxa uuna sheegay in uusan ka tagi laheen dalkiisa haddii uu ogaan lahaa xaalada halkan ka jirta .

Noloshiisi Sacuudi Carabiya ayuu tilmaamay in ay ka wanaagsanayd tan hada uu Ingiriiska ku haysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here