XASUUQII CURUURTA GARXAJIS BUU KU BADBAADAY KUWII DARAAWIISHTA BAA CUNAHA U FADHIISTAY

muuse biixi2

Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tiraahda (GABADH XUMAATAY, XUMAAN HORE AYEY KU NABADGASHAY), Muuse Biixi oo aan sumcad badan ku lahayn dagaalkii SNM, 1991 wuxuu xasuuqay BEESHA GUDABIIRSAY wuxuuna ku noqday MUJAAHID, 1994 wuxuu daadiyey dhiigga Beesha GARXAJIS wuuna usii dalacay siyaasi illaa Madaxweyne, 11 Augosto 2022 wuxuu marlabaad Xasuuqay Carruurtii GARXAJIS oo aan illaa maanta lays weydiin sababta, taasoo u cadeysay maqaamka Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe oo uu arkay in aanay istaahilin in doorashada Madaxtooyadda loo qabto, sidoo kale wuxuu meel dhigtay qaabka uu GARXAJIS ula macaabilayo 10 Sano ee soo socda oo ah haddii ay isdhaqaajiyaan inuu xabad ugu jawaabo, diisambar sanadkii hore maalintii loo sheegay Carruurta DARAAWIISHTA ee Laascaanood ka banaanbaxaysay wuxuu u qaatay in xasuuqooda uu Boqortooyo ku noqonayo, wuxuuna bixiyey amarkii ahaa xabadda hoos ugu dhigga.

Caqliga Madaxweyne Muuse wuxuu garanwaayey in cawaaqib xumo ka dhalanayso Xasuuqa Carruurta Daraawiishta oo aanu sidii Carruurtii GARXAJIS uga faa’iideyn, sidoo kalena aan Jamaahiirta Reer SSC sida Reer AWDAL oo kale loo cabiidin karin. Khaladkaas waxaa ugu wacnaa aqoon la’aanta degaanka uu ka soo jeedo galbeedka (HABAR AWAL) oo aan feker badan ka haysan dhaqanka iyo taariikhda shacabka Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn, sidoo kale waxaan meesha ka maqnayn in Beesha Habarjeclo si khaldan wax ugu sheegtay.

Muuse Biixi maanta Daraawiishta isbarte, Siyaasiyiintooda iyo Isimadooda oo uu calaacal iyo baryootan ka sugayey jawaabtoodu waxay noqotay GALA DAGAALKA, QALASYADDII IYO JAMAAHIIRTII OO MARKIIBA TUSBAXYADDA ROGGAY, oo hal-bacaad-lagu-lisay ka dhigay tacabkii 32 sano ee Somaliland.

Muuse wuxuu la mid yahay ninkii dadqalku ugu maahmaahay (SHALAY WAAD TALLO XUMEYD, XALAYNA WAAD OROD XUMAYD, MAANTANA WAAD GARASHO YARTAHAY), shalay wuu tallo xumaa oo Daraawiishtii buu isku doontay, dagaalkiina 15 daqiiqo ayaa magaaladdii Laascaanood lagaga saaray, maalmo koobana GOOJACADE ayaa lagu ururiyey, hadana ismuu dabo qabane duqayn iyo burburin iyo xasuuq buu Magaaladdii iyo shacabkii u geysatay, sharaftii Somaliland dhulkuu jiiday, maantana dhiiqo ayuu lugaha kula jirtaa meel uu uga dhaqaaqona ma yaqaaan.

Nasiibdarrada u gaarka ahi ee uu Madaxdii Somaliland kaga duwan yahay waa Reerkiisa oo aan wax tallo iyo tusmo ah ku kordhin karin, maadaama aanay runta u sheegi karin dadka Lacagta iyo Mansabka haysta, taladoodii waxay ku soo ururtay madalhufin shacabka si ay Muuse oo mar hore maryihii ka dhaceen u daboolaan, dhaqankaas beelaha kale ee Isaaq ma lahayn, musdambeed fiican oo khaladka qabta ayey lahaayeen, sidii Madaxweyne Siilaanyo iyo Xasuuqii Kalshaale oo ay markiiba u sheegeenin la fahmay oo uu ka noqdo.

Waxaa ayaan darro ah hadalkii Ciidul-fitrigu ma ahayn hadal Madaxweyne, wuxuu u hadlay sidii wadaad qalinduure ah oo mowlac wacdi ka jeedinaya, waxay u egtahay in intii uu yiqiinay ay dhaaftay, wuxuu cadeeyey inuu dhib abuuri karo laakiin aanu xal keeni karin, miraheedana waxaa guran doona Beesha Isaaq oo durba Dawladnimaddii uga guurtay IRIR SAMAALE.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here