XASUUQII LAASCAANOOD: MAXKAMAD U YEERTAY MADAXWEYNAHA IYO WASIIRKA DIFAACA SOMALILAND

muuse biixi iyo abdiqani wdsl

Dacwad ku saabsan Xasuuqii Somaliland ka geysatay Magaaladda Laascaanood oo laga furay Maxkamad ku taal dalka Maraykanka ayaa maanta markii ugu horeysay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiirkiisa Difaaca ka dalbay inay maxkamadda horyimaadaan si ay uga jawaabaan dembiyada lagu soo eedeeyey.

Sida uu dhigayo xeerka 28 U.S. Code § 1608 waxaa wargelinta dacwadda iyo yeerista Jawaabcelinta loo mariyey Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland, iyagoo laga sugayo inay 60 casho ku yimaadaan si ay dacwada uga jawaabaan.

Dacwadan oo maanta hayadda ku doodaysaa ay bogeeda twitterka ku baahisay ayaa isugu jirta dalab magdhow gaaraya 1.3 bilyan dollar iyo tacadiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here