XILDHIBAAN CABDI QAWDHAN OO DIGNIIN CULUS U DIRAY XUBNAHA SNM KAGA JIRA GOLEYAASHA SOOMAALIYA

xildhibaan cabdi qawdhan4

Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) ayaa digniin culus u diray xubnaha Jamhadda SNM ee Hargeysa ka talisa kaga jira Goleyaasha Dawladda Federaalka Soomaaliya, isagoo uga digay inay joojiyaan ololaha ay ugu jiraan Jamhadda Gooni-u-goosatada ee lidka ku ah midnimadda iyo Wadajirka Umadda Soomaaliyeed iyo amniga dalka, isagoo ku sifeeyey Khiyaamo Qaran.

Xildhibaan Qawdhan ayaa barahiisa facebook iyo twitter soo dhigay digniin kooban oo u qoran sidan:

“Macquul maaha in Goleyaasha Qaranka Soomaaliyeed ay noqdaan goob lagala dagaalamo midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed iyo Amniga dalka. Waa Khiyaamo Qaran, Masuuliyiinta falkaas ku foogani haka waantoobeen Ama Ugu Yaran Ha Iskaga Taageen Kuraasta Ay dalka Midnimadisa ku jarayaan”.

Xubnaha lagu xanto inay Xamar u joogaan mabaadida gooni-u-goosatka ayaa waxaa ka mid ah Raiisal Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo Xildhibaan Maareeye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here