XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY OO SOOMAALIYA TEGAY

António Guterre

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Waxaa laga sugayaa in uu wax ka qabto xaaladaha bini’aadantinimo ee ka sii dareysa ee Soomaaliya, isla markaana uu u muujiyo garab istaaga dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in ilaa 8 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar bini’aadantinimo, waxaana la sheegay in qaybo badan oo dadkaas ka mid ah ay qarka u saaran yihiin macaluul ka dib shan xilli roobaad oo xiriir ah.

Mr Guterrez ayaa la kulmay madaxda Soomaaliya, waxayna wada qabteen warsaxaafadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here