112 maraakiib IRAN laga leeyahay oo Soomaaliya kaluumaysi sharci darro ah loogu qabtay

 War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda kalluumeysiga xukuumadda federaalka ayaa waxaa lagu sheegay in Maraakiib shisheeye oo laga leeyahay dalka Iiraan ay si sharci darro uga jalaabtaan xeebaha Soomaaliya.

Qoraalka wasaaradda ayaa waxaa lagu cadeeyey in intii u dhaxeysay bishii Janaayo ee 2020 illaa 14 april ee isla sanadkan ay Maraakiibtaas ka kalluumeysanayeen xeebaha dalka.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay inay daba-gal ku sameysay Maraakiibtaasi, kuna ogaatay inay gaarayaan illaa 112 Maraakiib, waxayna ku eedeysay inay ku soo xad-gudbeen biyaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya  aysan aqbali doonin Kalluumeysiga sharci darrada ah, kana hortagi doonto, iyada oo tallaabo adag ka qaadeyso cid-kasta oo ku xad-gudubta biyaha dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here