3 ka mid ah musharaxiinta madaxweyne ee Galmudug oo isbaheysi ku dhowaaqay

odawaa isbahaysi

Saddex ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta isbahaysi uga dhowaaqay magaalada Dhuusomareeb kadib kulan ay yeesheen.

Isbahaysigan ayaa waxaa ku midoobay C/raxmaan Odawaa oo ka tirsan Xisbiga UPD, Kamaal Dahir Guutaale oo ka tirsan Xisbiga Wadajir iyo C/llaahi Faarax Wehliye oo horey u ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

C/llaahi Faarax Wehliye kama tirsana xisbiyada mucaaradka, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu haysto taageerada kooxda Ahlu-Sunna, oo 20 xildhibaan ku leh baarlamanka Galmudug.

Isbaheysiga saddexdan musharax ayaa ujeedkiisu yahay inay u midoobaan musharaxa lagu tuhunsan yahay inay dowladdu wadato ee Qoor Qoor, una xaqiijiyaan in midkood uu guuleysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here