3 Nin oo Ilmo-adeer ah baa shiray ee Xisbiyo ma heshiin

cirro faysal muuse

Dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyey hadalhaynta ugu badnayd ee Somaliland ayaa ahayd in Xisbiyaddii Qaranka la heshiisiiyey, waxaana Saxaafada ama Sawiradda ka soo baxayey 3 nin oo Ilmadeer ah, oo Beesha Isaaq ka soo jeeda.

Wax lala yaabo maaha, dhinac kasta oo aad ka eegto hal reer ah baa Somaliland boobay, xisbiyaduna waxay ka mid yihiin agabyada ay wax ku boobaan, haddana waxay meelwalba la taagan yihiin cadaalad, dimoqraadiyad iyo sinaan baa Somaliland ka jirta.

Sawirka hogaamiyeyaasha 3 Xisbi wuxuu ka markhaati furayaa xaqiiqada dhabta ah ee Somaliland ka jirta, in loo dhan yahay iyo inaan loo dhameyn, waana wax Beesha Caalamka iyo Soomaaliduba garan karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here