3 qodob oo saldhig u ah khilaafka wasiirka Batroolka Soomaaliya iyo guddiga kheyraadka

Shidaalka soomaaliya

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga iyo Bii’ada ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saareen shaaca uga qaaday khilaaf xooggan oo u dhaxeeya iyaga iyo wasaaradda Batroolka ee xukuumadda Federaalka.

Qoraalka guddiga oo loo diray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu qeexay tallaabooyin ay guddigu sharci darro ku tilmaameen oo uu qaaday Wasiirka Macdanta iyo Batroolka, Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Warbixintan waxaan ku eegeynaa afar arrimood oo ka mid ah waxyaabaha uu salka ku hayo khilaafkan.

1. Madaxbannaanida Hayadda Batroolka Soomaaliya

Arrintan ayaa ka billaabatay khilaaf markii hore soo kala dhex galay Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka iyo Hayadda Batroolka Qaranka.

Wasaaradda Batroolka iyo Hayadda Batroolka ayaa lasoo tabiyay in ay isku qabsadeen arrimo la xiriira shaqooyinkooda iyo madaxbannaanida hayaddaas.

Guddiga Baarlamaaniga ah ayaa sheegay in markii uu soo gaadhay khilaafka labada dhinac ay durbadiiba ay gudo galeen kulamo ku saabsan sidii qaab sharciga waafaqsan loogu xallin lahaa khilaafkaas.

Hase yeeshee ugu dambeyn bayaanka ay soo saareen ayey ku dhaliileen wasiirka.

2. Xil ka qaadista Guddoomiyaha Hayadda Batroolka

Sida uu sheegay guddiga Kheyraadka ee Golaha Shacabka, wasiirka ayaa si aan sharciga waafaqsaneyn xilka uga qaaday Guddoomiyihii hayadda Batroolka Soomaaliya.

Warqadda ayaa lagu yidhi: Guddiga kheyraadka Dabiicigaa & Bii’ada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku gudo jiray kulamadiisii caadiga ahaa ayaa waxaa soo gaartay khilaaf xoogan oo mudo ka dhexjiray Hay’adda Betroolka Soomaaliya (HBS) iyo Wasiirka wasaaradda oo ku saabsanaa kala madaxbanaanshaha Hay’adda iyo Wasaaradda taasoo gabagabadii sababtay in xilkii laga qaaday gudoomiyihii Hay’adda, xubinimadii guddigana laga saaray si aan sharciga waafaqsaneen.”

Qodobbo ka mid ah dastuurka, oo si gaar ah u khuseeya kheyraadka dalka ayey guddigu u cuskadeen in xil ka qaadista guddoomiyaha hayaddaas ay ahayd mid aan loo marin sharciga.

3. “Heshiisyo uu damacsan yahay wasiirka Batroolka”

Xilli uu gabaabsi yahay waqtiga xukuumadda iyo muddo xileedka Wasiirka Batroolka, waxay guddiga kheyraadka tuhunsan yihiin in uu wasiir Cabdirashiid damacsan yahay saxiixitaanka heshiisyo la xiriira kheyraadka dalka, sida ay ku xuseen warbixintooda.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayey ugu baaqeen in uusan aqbalin wax heshiis ah oo ay wasaaraddu saxiixdo.

“Maadaama uu dhamaaday mudo xileedkii Xukuumadda, xili doorashana lagu jiro, xeer nidaamiyayaashii sharciga Batroolka JFS farayay in la sameeyo aan weli la diyaarin (sida Fiscal regime, Environmental law, License Bill and others) sida ku cad Qod. 45 ee Sharciga Batroolka, sidaas daraadeed guddiga kheyraadka wxuu Ra’iisul wasaaraha JFS kula talinayaa in uusan ogolaanin in heshiis shidaal la galo si feejigana uga ilaaliyo in ay wasaaradda gasho heshiisyo calami ah oo aan waafaqsaneen danta guud , Qatarna galin kara ka faa’iideysiga kheyraadka Dalka”, ayaa lagu yidhi bayaanka.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Eng Cabdirashiid Maxamed Axmed, dhankiisa wali kama uusan hadlin arrimahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here