5 qof oo dil loogu xukumay dilkii Jamaal Khaashuqji

Jamal Khashoggi

Shan qof ayaa dil loogu xukumay dilkii weriye Jamal Khaashuqji, hase yeeshee labadii qof ee ugu sarreeyey dadkii loo baarayey dilkan ayaa dambi lagu waayey, waxaa sidaas Isniinta sheegay dacwad-oogaha guud ee Sacuudi Carabiya.

Khaashuqji, oo wax ku qori jiray wargeyska Washington Post, ayaa waxaa la dilay bishii October ee 2018, ayada oo Riyadh ay dilkaas ku sheegtay howlgal ay fuliyeen “fallaago”.

59 jirkaas, oo ahaa nin wax badan ka og boqortooyada balse markii dambe isu-rogay mid dhalleeceeya, ayaa waxaa qunsliyadda Sacuudiga ee Istanbul ku dhex-dilay 15 nin oo Sacuudiyaan ah, kuwaas oo kadibna jar-jaray meydkiisa, sida ay sheegeen saraakiisha Turkiga.

Illaa iyo hadda lama helin haraadiga jirkiisa.

“Waxaan ogaanay in dilka Khaashuqji uusan ahayn mid horey loo sii qorsheeyey” waxaa sidaas yiri ku xigeenka dacwad-oogaha guud ee Sacuudiga, Shalaan al-Shalaan oo shir jaraa’id qabtay.

Dacwad-oogayaasha Sacuudiga waxay sheegeen in ku xigeenka madaxa sirdoonka Ahmed al-Assiri uu madax u ahaa kooxda dilka fulisay, islamarkaana uu sidaas kula taliyey lataliyaha warbaahinta boqortooyada Saud al-Qahtani.

“Si kastaba, Qahtani ayaa baaritaan lagu sameeyey balse dacwado laguma soo oogin sababo la xiriira caddeymo ku filan oo loo waayey. Sidoo kale, Assiri ayaa la baaray laguna soo oogay dacwado, balse dambiga lagu waayey, kadib markii isna caddeymo lagu waayey” waxaa sidaas lagu yiri bayaan kasoo baxay dacwad-oogaha.

Labadan nin ayaa ka mid ahaa dadka aadka ugu dhow dhaxal-sugaha boqortooyada Maxamed Bin Salmaan, waxaana shaqada laga eryey kadib dilka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here