6174: Ma garaneysaa lambarka mucjisada ah ee ka yaabiyay khubarada xisaabta?

numberka mucjisada 6174

Bal si fiican u eeg lambarkan: 6174.

Marka ugu horreysa ee aad aragtid, wax muhiim ah kuulama muuqdo – laakiin xaqiiqdii wuxuu lambarkan muddo 70 sano ka badan mucjiso ku yahay khubarada xisaabta.

Ilaa sanadkii 1949-kii, waxaa la fahmi la’yahay lambarkan, sababtana qormada hoose ka daalaco.

Ma isweydiineysaa sababta? Haddaba nala eeg xaqiiqooyinka cajiibka ah, oo laftaada ogoow, adigoo aan cid kale weydiineyn.

  1. Soo qabso tiro ka kooban afar lambar, tiro kasta oo niyaddaada kusoo dhacda, ugu yaraanna hal lambar oo ka mid ah tiradaas yuusan labo jeer soo noqonin(ebar xitaa wey ku jirtaa). Tusaale ahaan aan ka billowno lambarka ah 1234
  2. U qor lambarrada si isweydaar ah: 4321
  3. Hadda kusoo celi sidoodii hore ee tooska ahayd: 1234
  4. Tirada yar ka jar tirada weyn: 4321 – 1234
  5. Hadda dib u samee tallaabooyinka 2,3 iyo 4 adigoo isticmaalaya natiijada soo baxday

Aan isla sameyno

  • 4321 – 1234 = 3087
  • Lambarka natiijada ah u qor si isweydaar ah: 8730
  • Haddana isla tiradaas kala wareeji: 0378
  • Tirada yar ka jar Tirada weyn: 8730 – 0378 = 8352
  • Aan ku celinno saddexdii tallaabo ee hore annagoo adeegsaneyna tirada kusoo baxday natiijada

Marka, aan sameyno annagoo ku shaqeyneyna tirada ah 8352

  • 8532 – 2358 = 6174

Haddana bal mar kale ku celi adigoo isticmaalaya 6174 – Lambarradana u kala wareejinaya si isweydaarsan, kaddibna kala jaraya

  • 7641 – 1467 = 6174

Sida aad aragtid, laga billaabo halkaan, lama sii wadi karo tirada, mana isbaddaleyso – mar walba waxaad heli doontaa isla natiijadan oo ah: 6174

Waayahay, waxaad u maleyn kartaa inay tahay arrin si kadis ah isaga dhacday. Marka aan isku dayno tirooyin kale oo caadi ah, adigoo midkaad doontid ka qaadanaya. ka warran haddaan qaadanno 2005?

  • 5200 – 0025 = 5175
  • 7551 – 1557 = 5994
  • 9954 – 4599 = 5355
  • 5553 – 3555 = 1998
  • 9981 – 1899 = 8082
  • 8820 – 0288 = 8532
  • 8532 – 2358 = 6174
  • 7641 – 1467 = 6174

Sida aan aragnay, afar lambar oo kasta oo aad qaadatidba, ha dheeraato ama ha dhawaatee waxaad gaareysaa 6174, markaasna halkaas kama gudbi kartid, natiijaduna isma baddaleyso.

Xisaabta Kaprekar

.
Kaprekar wuxuu ahaa xisaabyahan jecel inuu tirooyinka u isticmaalo qaab ciyaar ah

Xisaabyahankan u dhashay dalka Hindiya, magaciisa oo buuxa waxaa la oran jiray Dattatreya Ramchandra Kaprekar wuxuuna noolaa intii u dhaxeysay sanadihii 1905-1986.

Kaprekar wuxuu jeclaa inuu waqtigiisa inta badan ku qaato ciyaarta uu u adeegsado tirooyinka, sidaas ayuuna ku ogaaday jiritaanka tiradan mucjisada ah ee 6174.

D. R. Kaprekar wuxuu arrinta ku saabsan tiradan ee uu kaligiis ogaaday dunida ugu sheegay shir ay isugu tageen aqoonyahannada xisaabta, kaasoo magaalada Madras ee dalka Hindiya ka dhacay sanadkii 1949-kii.

Markii ay tiradan layaabkeeda la timid waxaa laga joogaa muddo 70 sano ah, walina xal looma helin.

Khubarada xisaabta ee dunida ayaa wali ku wareersan tiradaas, waxayna ku tilmaameen mid aad u qurux badan oo micno badan xambaarsan.

Haddii lacalla aad isweydiineysid tirooyinka kale ee mucjisadaas oo kale leh, runtii wali lama ogaanin ilaa hadda.

XIGASHO BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here