Trump oo ammaan kala dul dhacay Dhaxal Sugaha Sacuudiga

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Dhaxal Sugaha Sacuudiga ku tilmaamay nin ” qabtay waxyaabo la yaab leh” waxa uuna sheegay in uu saaxiib la yahay.

Hadalka Trump ayaa imaanaya ayadoo labadan masuul ay shir doceed ku yeesheen shir madaxeedka G20 ee ka dhacay dalka Japan.

Trump ayaa waxaa gudaha dalka Maraykanka ka haysta cadaadis siyaasadeed oo ku aaddan sababta uu uga warwareegayo kaalintii la sheegay in ninkani uu ku lahaa dilkii saxafigii sacuudiyaanka ahaa Jamal Khashoggi.

Waxaana jiray warar sheegaya in sirdoonka Maraykanka ee CIA-du ay xaqiijisay in “Maxamed Bin Salman uu yahay ninkii bixiyey amarkii lagu dilay Jamal Khashoggi”

Guddi xaqiiqo raadin ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa soo jeediyey in Maxamed Bin Salmaan lagu sameeyo baadhitaan la xiriira dilkii Khashoggi, kaas oo bulshada caalamku ay aad uga carootay. Guddiga ayaana sheegay in ay hayaan “caddaymo ku filan” oo marag u noqon ah in Bin Salmaan uu dilkaas ka dambeeyey.

Masuuliyiinta Sacuudiga ayaa beeniyey ku lug lahaanshaha Dhaxal Sugaha ee dilkaas. Waxayna sheegeen in ay maxkamadaynayaan rag sacuudiga u dhashay oo dilkaas loo haysto.

Ka hor inta aanu la kulmin Maxamed Bin Salmaan, ayaa Trump waxa uu yidhi: “Sharaf wayn ayay ii tahay in aan la kulmo Dhaxal Sugaha Sacuudiga, oo ah mid ka mid ah Saaxiibaday”

Waxa uu intaasi ku daray in Ina Salmaan uu yahay “nin shantii sano ee la soo dhaafay Sacuudiga wax badan ka qabtay” asagoo tilmaamay in Amiirku uu ka shaqeeyey sidii Sacuudiga loo furfuri lahaa dhanka dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa ka hadlay arrinta khusaysa haweenka Sacuudiga oo uu yidhi asagoo la hadlayaa Bin Salmaan: ” Wax qabadka aad samaysay gaar ahaan dhanka haweenka waxa uu u dhigmaa kacdoon oo kale, marka la eego waxa qabsoomay”.

Bin Salmaan ayaa kaga jawaabay oo yidhi: ” Waxaan isku dayaynaa in wax ka sii wanaagsan aan ka qabanno dalkeenna Sacuudiga, arrintanina waa safar dheer oo hadda biloowday”

Arrinta ku saabsan xidhiidhka labada dal ayaa Trump waxa uu sheegay in Maraykanku uu tixgalinayo in Boqortooyada laga iibiyo hub ku gacaya balaayiin dollar.

Congress-ka Maraykanka ayaa bishaan horraanteedii u codeeyey mashruuc lagu joojinayo hubka laga iibinayo Sacuudiga iyo Imaaraadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here