Aabe Ilyaas Aadan oo ka hadlay qaabkii loo fuliyay raggii dilay Caa’isha

Aabe Ilyaas Aadan

Aabe Ilyaas Aadan oo ah aabaha dhalay Caa’isha oo aheyd gabar 13 jir ah oo bishii Febraayo ee sanadkii hore kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay qaabkii loo fuliyay dilkii qisaasta ahaa ee raggii ka dambeeyay dilka iyo kufsiga gabadhiisa.

Ilyaas Aadan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa sheegay inuu goobjoog ka ahaa dilka qisaasta ee labada dambiil ee saaka lagu fuliyay dilka toogashada oo kala ah C/fataax C/raxmaan Warsame iyo C/shakuur Maxamed Dige, kuna faraxsan yahay qisaastaas.

“Maanta oo taariikhda tahay 11 Febraatom saaka 8-dii subaxnimo waxaa la qisaasay labo nin oo dambiilayaashi ahaa C/fataax C/raxmaan Warsame iyo C/shakuur Maxamed Dige, qisaastaas waa ku faraxsanahay, nimanka Caa’isha dilay waa aqaanay, deris baa aheyn goobjoog baa ka ahaa qisaastooda, markii tiirka loo waday cafis ayay iga dalbadeen, markii ay dhinteen waa hubiyay dhuunta iyo gacanta ayaa ka taabtay”ayuu yiri Aabe Ilyaas.

Aabe Iyaas ayaa sheegay in qofka saddexaad oo lagu magacaabo C/raxmaan Maxamed Warsame ee xukunsanaha ahaa in dib loo dhigay fulinta dilkiisa muddo 10 maalmood, kaddib codsi dhankooda iyo dhinaca kale ka yimid, si loo hubiyo.

Waxaa uu sheegay in kiiskan laga baran doono cashar xoog leh, isla markaana ku badbaadayaan gabdhaha Soomaaliyeed, waxaana uu uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed dareenkii ay ka muujiyeen falkaas waxashnimada ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here