Aadan Barre Ducaale oo laga qaaday xilkii sare ee uu ka hayey Kenya

adan barre ducaale

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ahaa hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya ayaa goor dhow xilka laga qaaday, kadib markii ay kalsoonida kala noqdeen inta badan xildhibaanada baarlamaanka dalkaasi.

Xilka qaadistan ayaa aheyd mid la filayey, kadib markii dhowaan in ka badan 130 Mudane ay mooshin ka dhan ah isaga u gudbiyeen madaxweynaha wadanka Kenya, Uhuru Kenyatta oo sidoo kale ah hoggaamiyaha xisbiga talada dalkaas haya ee Jubilee.

Aadan Barre Ducaale ayaa sidoo kale muddooyinkii la soo dhaafay wajahayey hubanti la’aan iyo culeys uga imaanayey dhinaca baarlamaanka.

Sidoo kale wuxuu xilka hoggaamiyaha aqlabyidda baarlamaanka hayey tan iyo doorashooyinkii dhacay sanadkii 2013-kii.

Xildhibaan Aadan Barre oo Soomaali Kenyaan ah, lagana soo doorto gobolka waqooyi bari ayaa ka mid ah xildhibaanada fir-fircoon ee ku jira xisbiga talada haya ee Jubilee.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here