Abiy Ahmed iyo Yamamoto oo iska kaashanaya midnimadii Soomaaliya

abiy axmed iyo yamamoto

Michael Rubin oo ah Aqoon-yahan Mareykan ah, oo inta badana u dooda Madax-banaanida ay ku doodo Somaliland, ayaa Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiye Axmed iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Donald Yamamoto ku eedeeyay inay wadaan qorshe ay midnimo qasab ah uga dhex sameynayaan Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Michael Rubin ayaa sheegay in qorshaha uu ku sheegay ‘midnimada qasabka ah’ uu wado Danjire Yamamoto oo isagu kaashanaya Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed oo ku tilmaamay ‘hogaamiyo aan waayo arag aheyn’, xili uu muddooyinkii dambe waday qorshayaal uu dib ugu furayo wada-hadalada labada dhinac, inkasta oo ay weli hakad ku jiraan.

Rubin ayaa si weyn uga hor-yimid hadalkii dhowaan uu jeediyay Donald Yamamoto, kaasi oo ku dalbanayey heshiis midnimo iyo in maamulada dalka iyo dowladda federaalku ay si wada-jir ah u wada shaqeeyaan si loo gaaro guulo wax ku ool ah.

Aqoon-yahankan Mareykanka ah ayaa ku doodaya inaysan suurtagal aheyn midnimo dambe oo Somaliland iyo Soomaaliya ka dhexmarta, xili ay ku doodo inay xoriyadeeda dib ula soo laabatay muddo ku siman 30-sano, walow ay helin aqoonsi caalami ah.

“Arrintani waa isku day uu danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto isaga oo kaashanaya Ra’iisal wasaaraha aan waayo aragga ahayn laakiin himilada badan ee Itoobiya uu ku doonayo in xal lagu soo rogo qadiyadda Somaliland iyo Soomaaliya. Yamamoto waa uu iska jeclaan karaa in uu shaqadiisa ku galaalo guulo diblumaasiyadeed, waanu aamini karaa in uu hoggaamiyeyaasha Soomaalida ugu cawaandadoodo in ay heshiis midnimo gaadhaan, inkasta oo ay Washington taladu ka baahsantahay. Dib u dhiska Soomaaliya iyo israaca gobalku waxa ay ahaayeen mawduuca ugu muhiimsan ee shaqadiisa” ayuu yiri Michael Rubin.

Wuxuuna intaas sii raaciyay “Waxaas oo dhan ka sokow, markii ay Soomaaliya burburtay 1991 kii, Somaliland guul ayaa ay kor ugu soo kacday – waxa ay soo jiidatay ganacsiyo, waxa ay dhisatay dugsiyo heerkoodu aad u sarreeyo, waxa aanay qabsatay doorashooyin dimuqraaddi ah oo lagu hubiyey qalabka sawirka isha. Wadaniyiiyinta Soomaalidu waxa ay jeclaan lahaayeen in ay gacanta ku dhigaan talada Somaliland”.

“Si kastaba ha ahaato ee dadka Somaliland intooda ugu badani ma xiisaynayaa in ay nafahooda raciyad uga dhigaan dal ah kan ugu musuqmaasuqa badan adduunka welina qarka u saaran guuldarro. Dadka reer Somaliland badankoodu ka soo horjeedaan midnimo mar dambe dhex marta Soomaaliya oo ay xorriyadooda dib ugala soo noqdeen sannadkii 1991-kii”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here